Maxkamada Ciidamada Puntland oo Xukun ku riday Eedeysanayaal.
February 22, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Hayland iyo Gardafuu ayaa Xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal lagu eedeeyey in ay wax u dhimeen amaanka deegaanada Puntland. Xeer illaaliyaha Maxkmada Ciidamada qalabka sidda Cabdifataax Xassan Firdhiye ayaa ka akhriyey maxakamada magacyada eedeysanayaasha waxay kala yihiin.
1-Maxamuud Aadan Ducaale.
2-Jaamac Maxamed Cabdulle.
3-Daa’uud Aadan Ibraahim.
4-Cali Axmed Ceegaag.
Eedeysanyaasha maanta la keenay Maxakmada ayaa waxaa ku jira askari ka tirsan ciidanka Puntland oo dil bareer ah geystay Jaamac Cabdulqaadir Faarax. Xeer illaaliyaha Maxkmada Ciidamada qalabka sida Cabdifataax Xassan Firdhiye,ayaa sheegay in markii ay Maxkamadu dhagaysatay eedeynta loo haystay Eedeysanayaasha waxaana intaas ka dib maxkamadu riday xukun kala duwan.
1-Axmed Cali Ceegaag oo ka tisanaa Ciidamada Puntland oo dilay Jaamac Cabdulqaadir Faarax August 14, 2014 ayaa lagu xukumay dil toogasho ah.
2-Maxamuud Aadan Ducaale waxay isna maxkamaddu ku xukuntey shan iyo toban sano oo xarig ah ka dib markii uu qirtey inuu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.
3-Jaamac Maxamed Cabdulle iyo Daa’uud Aadan Ibraahim oo ku eedeysnaa inay ka tirsanaayeen amniyaadka Al-shabaab ayaa Maxkamadu ay siidaysay,ka dib markii lagu waayay wax danbi ah.
Maaha Markii ugu horeysay oo Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee Puntland ay xukun kala duwan ku rido eedeysanayaal balse waxaa yar xukun ay fuliso.
M_M Deeq
Halgan.net