Mu’asasada alminhaaj oo safar dacwo ku tegay degmada buraan ee gobolka Sanaag (Masawiro),
February 28, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Maamulka Mu’asasada alminhaaj oo safar dacwo ku tegay degmada buraan ee gobolka sanaag, safarkaasi oo qaatay mudo laba cisha ah ayaa waxaa ku qabsoontay acmaal badan oo dacawi ah , ujeedka safarkaan ay mu’asasadu ku tagtay magaalada buraan ayaa ahaa gudashada waajibka alle ee dhanka dacwada , u gogol xaarida mac-hadka sharciga ee degmada buraan , dhul u helida machadka iyo u kuur gelida xaalada dacwadeed iyo bulsho ee deegaanka buraan .
Mudadii koob nayd ee ay wafdiga mu’asasadu magaalada ku sugnaayeen ayaa waxaa u qabsoontay shaqooyin badan oo ay mid ahaayeen .
Qabashada muxaadirooyin guud , kulanka dhalinyarta, kulan ka maamulka dacwada iyo ducaada , muxaadirada haweenka , dacwa shaarica , kalimaad salaadaha ka dib ah iyo kulan odaaysha iyo maamulka degmada buraan ay la qaateen , dhamaanba qayb ha bulshada ee la la kulmay waxay si weyn usoo dhoway yeen furitaanka mah-hadka sharciga ah iyagoo xusay in baahi weyn loo qabay xili horena la sugaayay furidiisa , intii shaqadaasi socotay waxaa dhul weyn oo 6 qol ka kooban lagu wareejiyay maamulka mu’asasada al minhaaj si looga furo mac-hadka sharciga ah ee magaalada buraan oo lagu balamay in albaabada loo furi doono bisha may 2015 haddii eebbe idmo .
no images were found
Safarkaasi wuxuu kusoo gaba-gaboobay xaflad ay xalay kasoo qayb galeen qaybaha bulshada iyo gudoomiyaha degmada Buraan Botaan Axmed Bootaan oo sheegay in uu yahay ardayga ugu horaya ee is qoraya mac-had hadii eebe idmo bulshadana u sheegay in ay mac-hadka ku wareejiyeen dhismahaas lixda qol ah .
Wafdigaan waxaa ka mid ahaa :
1- Maxamed Cabdulaahi Cabdulle Gudomiyaha Mu’asasada Alminhaaj .
2- Sh Cismaan Max’ud X Dirir Xafiis Dacwada Alminhaaj .
3- Sh Cali Siciid (Cali Maax) .
4- Sh Cawil Cali Ciise .
5- Sh ibraahim Bisle .
6- Ganaacsade Maxamud Siciid Cismaan .
7- Sh Mubaarak Maxamed Cabdulaahi .
8- Saalax ciise Shirbeeye .
Mu’asasada alminhaaj
Halgan.net