Qaabkii uu u dhacay Qaraxii Hotel Central Wariye Caydiid Abdirahman.[Dhagayso]
February 20, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Wariye Caydiid Cabdirahman Aadan oo ka mid ah wariyaasha Radio Kulmiye ayaa waxaa uu a waramay qaabkii uu u dhacay qarax is miidaamin lala eegtay Masjid ku yaal gudaha Hotel Central oo ay ku tukanayeen masuuliin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana uu Hotel Central uu ku dhow yahay xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.
Qaraxa koowaad ayaa wuxuu ka dhacay goob gawaarida la dhigto oo Hotel Central ka dibna waxaa xigay qarax qof ismiidaamiyey uu ka dhacay gudaha masjidka oo ay ku tukanayeen Xildhibaano, Wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Furdug), Gudoomiye Ku Xigeenkii Dhinaca Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed (Caano-geel) iyo C/shakuur Mire Aden ka tirsanaa xisbiga Daljir waxaa kale oo ku dhintay qarax ka dhacay Masjidka Hotel Center Suldaan Abdulqadir Suldaan Ali Yassin Ali Keenadiid oo ka mid ah Issimada Puntland.
Waxaa kale oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay gudaha Masjidka Xildhibaan Cabduqaadir Cali Cumar iyo Wasiirkii Wasaarada Dekeda ee Xukuumada Soomaaliya Nuur Faarax Xirsi.
waxaa kale oo saxaafaddu ay sheegtay in uu ku dhaawacmay Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee DFS Cali Axmed Jaamac “Jangali” walow uu sheegay in uu bad qabo. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay ka danbeeyeen qaraxa ka dhacay Hotelka Center iyo Masjid ku yaal gudaha Hotelka waxaana hotelka soo gaaray ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM.
Hoos Ka Dhagayso mid ka mid ah wariyaasha Radio Kulmiye oo ka waramay qaabka uu u dhacay qarax iyo wax uu la kulmay
[audio: https://halgan.net/Mp3/Caydiid.mp3]A/cawaale
Halgan.net