Qeybtii1aad arday wax ka dhigan doonta Machadka sare ee Ducaada Hargeysa (Masawiro)
February 17, 2015 - Written by EditorHargeysa:-Shalay iyo maanta ayaa waxa si nabad ah u soo gaadhay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka s/land qaybihii ugu horeeyey ee ardayda ka timid deegaano kala duwan kuwaas oo wax ka baran doona Machadka sare ee Ducaada Hargeysa.
Ardaydan oo tiradoodu dhantahay 13 arday ayaa waxay hordhac u yihiin ardayda loogu tala galay in ay culuumta shareecada ka bartaan Machadka sare ee Ducaada Hargeysa oo dhawaan laga furmay magaalada Hargeysa , waxanay ardayda ka kala yimaadeen magaalooyin kala ah Boosaaso ,Garoowe Gaalkacayo ,Galdogob, Laascaanood.
Madaxada Mu,asasada Al-karam ayaa si wayn u soo dhaweeyay ardayda iyaga oo kaga hortagay duleedka magaalada Hargeysa.
no images were found
Waxaa la filayaa inshaa allaahu in ay maalmaha soo socda soo wada gaadhaan magaalada Hargeysa dhammaan ardayda loogu tala galay in ay wax ka bartaan Machadka sare ee Ducaada Hargeysa oo ka kala imaan doona dhamaan gobollada dalka Soomaaliya .
Mu,asasada Al-karam
Halgan.net