Ra’iisul Wasaare Cumar oo shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee golaha Wasiirada cusub.

February 10, 2015 - Written by Editor

unnamed-1Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan xubnaha golaha Wasiirada ee shalay la dhaariyay, waxaana kulanka diiradda lagu saaray qaabka ugu haboon ee ay golaha Wasiiradu ula wareegi lahaayeen Xafiisyada Wasaaraddahooda.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, ayaa xusay in kulankan uu yahay kulankii ugu horeeyey ee uu la yeesho xubnaha Golaha Wasiirada ee cusub, isla markaana ay kala warqaateen.

“Waxaa alle mahadii ah inaan maanta yeelanay kulankii ugu horeeyey ka dib markii shalay la dhaariyay, waxaana ka wadahadalnay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeysay sidii ay Wasiiradu ula wareegi lahaayeen xafiisyada Wasaaradahooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Dr Cumar Cabdirashiid oo xusay in maalintiiba ay 5 wasaaradood xilka la wareegi doonaan si muddo todobaad ah loo soo afmeero xil wareejinta.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sidoo kale xusay in guddi uu madax u yahay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda, Mudane Maxamed Cumar Carte, loo xil saaray kala wareejinta xilalka, iyadoo ay wasaarad walba wareejin doono wixii agab ah ee ay ku shaqayso haddii ay tahay hantida ma guurtada ah iyo tan guurta intaba, si horey loogu sii dhaqaajiyo howlaha qaranka.

—-DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online