Ra’isul wasaaraha DFS oo cambaareeyey dilkii loo gaystay Xildhibaan Abdullahi Qayaad

February 9, 2015 - Written by Editor

sharmaarkeMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii naxariis darada ahaa ee saaka loo gaystay Xildhibaan Cabdullahi Qayaad Bare,

“Waxaan u dirayaa tacsi tiiraanyo leh Ehelkii, Qaraabadii, Saxiibadii, dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, dilkii loo gaystay Xildhibaan Cabdullahi Qayaad, wuxaana Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo samir iyo imaana ka siiyo.

Xildhibaanku wuxuu ahaa mid u taagan ka shaqaynta danta qaranka, waxaana dilkaan lala beegsaday isagoo ku guda jira waajibaadkiisa shaqo”ayuu yiri RW Cabdiwali oo dhanka kale sheegay in arxan darayaasha gaystay dilka Xildhibaanka la horkeeno cadaaladda, loomana ogolaan karo kuwo ku sifoobay falalka argagaxiso iney hor istaagaan howlaha ay qaranka u hayaan xildhibaandu.

“Waxaan ku boorinayaa Xildhibaanada oo dhan in ay u muujiyaan naxariis iyo geesinimo maanta oo kale oo baroor diiq ah. Waxaan ku boogaadinayaa Xildhibaanda Baarlamaanka sida ay uga go’an tahay fulinta waajibaadka madaniga ah” ayuu yiri RW Cumar.

———–Dhamaad——–
Waaxda Warfaafinta Xafiiska Raisulwasaaraha

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online