Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo booqdey dadkii ku dhaawacmey weerarkii Hotel Central.[Masawiro]

February 23, 2015 - Written by Editor

dhaawacMuqdisho, Feb 23, 2015…… Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa saaka booqday Isbitaal Digfeer oo ay ku jiraan qaar kamid ah dhaawacyada dadkii ku wax yeeloo bay weerarkii 20-kii bisha ay kooxda arxan laawayaasha ee Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Central .

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Maamulka Isbitaal Digfeer, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu u rajeeyey dadka dhaawaca qaba in Ilaahay siiyo caafimaad taam ah, isgoona markale u tacsiyeeyey Qoysaskii ay dadku uga geeriyoodeen.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa ugu mahadceliyey dowladda Turkiga sida ay umadda Soomaaliyeed ugu hagar baxday una dhistay Isbitaal noocaan ah oo leh dhamaan qaybaha kala duwan ee adeegyada caafimaadka,wuxuuna xusay Ra’iisul Wasaaruhu iney qorshaha ugu jirto sidii labada maalmood ee soo socota loogu qaadi lahaa isbitaal dibadda ah dhaawacyada culus.

Ugu danbayntii Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Saxaafadda la hadlay booqashada kadib ayaa yiri “Ra’iisul Wasaaraha ayaa saaka booqasho ugu yimid dadkii 20-kii bisha ku waxyeeloobay weerarkii waxashnimada ahaa ee dhagar-qabayaashu ku qaadeen Hotel Central, xaala dooda caafimaadna waa wanaagsanayd, inkasta oo uu dhib soo gaaray, waxaan uga mahadcelinaynaa maamulka Isbitaalka Digfeer dadaalka ay galiyeen sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dhaawacyada”.

no images were found

—DHAMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online