Safiirka Turkiga Olgan Bekar oo gaaray magaalada Kismaayo.[Masawiro]
February 23, 2015 - Written by EditorKismaayo:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose Safiirka dowlada turkiya u fadhiya Soomaaliya danjire Olgan Bekar . Wafdiga la socday safiirka Turkiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyey madaxweyne ku-xigeenka 2aad ee maamulka Jubbaland , Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamuud iyo xubno oo ka tirsan maamulka Jubbaland.
Wafdiga Safiirka Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho, danjire Olgan Bekar ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo kula qaato xarunta madaxtooyada ee magaalada Kismaayo, Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.
Socdaalka wafiga Safiirka Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho, danjire Olgan Bekar ayaa waxaa ay u jeedkiisu tahay siddii masuuliyiinta maamulka Jubbaland ay uga wada hadli lahaayeen horumarinta deegaanka iyo kaabayaasha dhaqaalah ee Jubooyinka iyo Gobolka Gedo.
no images were found
Wafiga Safiirka Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho, danjire Olgan Bekar ayaa waxaa ay booqdeen dakkada weyn ee magaalada Kismaayo iyo soo eegay qaabka ay u shaqaynayso. Dowladda dalka Turkiga ayaa mashariic kale duwan a fulisay Gbollada dalka Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan magaalada Muqdisho.
A/cawaale
Halgan.net