Sh Mohamed Abdi Umal oo dib ugu soo laabtay Lusaka Zambia
February 21, 2015 - Written by EditorLusaka.:-Waxaa shalay maqribkii ka soo dagay markii 2aad Lusaka international Airport wafdi Culimo ah oo uu hogaaminayey Sh.Mohamed Abdi Umal waxaana Sheekha ku soo dhaweeyey airport Lusaka Odayaal, Culimo iyo Ganacsato, Soo dhawayn iyo marxabayn ka dib Sheekha iyo wafidigiisa waxaa loo galbiyay madashii lagu marti galiyay Wafdiga oo ahayd guri uu lahaa ALLAAH SWT ha naxariisto Hassan jaamac khaliif ( Garbadheere) halkaas oo ay casho sharaf ugu diyaariyeen Odayaasha iyo Ganacsatada Zambia..
Shiikhu wuxuu aad ugu Duceeyay ALLAAH ha naxariisto Hassan Khalif ( Garbadheere) oo bilo ka hor geeriyooday wuxuuna awlaadiisa iyo walaalihiis kula dardaarmay inay diinta bartaan oo ku dadaalaan, waxa kaliya ee ay tari karaana ay tahay inay u duceeyaan wax sadaqa Jaariyya u noqon karana ay u bixiyaan.
Waxgaradkii halkaas isugu yimid ayaa dhankooda Shiikha iyo wafidigiisa uga mahadceliyay Booqashada dacwadeed ee ay ugu yimaadeen, iyo waqtiga qaaliga ee ay ku bixiyeen inay soo booqdaan Jaaliyada Zambia, Sidoo kale Culumada ayaa ka mahadceliyay soo dhawaynta ay kala kulmeen tan iyo markay yimaadeen Jaaliyada Zambia gaar ahaan reer Lusaka.
Waxaa Xusid mudan Culimada waxay shalay jumcihii ka dib ka soo duuleen Magaalada Lumumbashi ee Congo halkaas oo ay 2bari joogeen ayagoo duruus iyo muxaadaraat u soo jeediyay Jaaliyada somaliyeed ee halkaas dagan.
Kulamada iyo muaxaadaraatka uu shiikhu ka gali doono Lusaka waxaa si toos u soo gudbin doona inshalaah Radio Halgan Live iyo Radio Al-Xikma wixii faahfaahin ah waxaad kala xiriiri kartaa sidoo kale Maamulka Dacwada magaalada Lusaka Xaruntooda AL UMMAH MUSLIM SOCIETY. .
Halgan.net
Lusaka