Shirwayniii 3aad ee Mu,asasada Al-karam oo shalay ka furmay magaalada Burco.[Masawiro]
February 27, 2015 - Written by EditorBurco : Shalay oo khamiis ahayd taariikhduna ahayd 07/05/2/1436 waafaq sana 26/02/15 ayaa waxa ka furmay magaalada madaxda gobolka togdheer ee burco shirwaynihii 3 aad ee mu,asasada al-karam ee dacwada iyo horumarinta .
Shirka ayaa waxa ka soo qayb galay ergooyin ka kala socda dhammaan gobollada ay ka shaqaysa mu,asasadu Al-karam oo kala ah:-
1. Sool
2. Sanaag
3.Togdheer
4.Maroodi-jeex, iyo owdal.
Dhanka kale waxa ka soo qayb galay masuuliyiin salaadiin iyo culimo kala duwan waxaana ka mid ahaa:-
1. Sh Cali Warsame Xasan
2. Sh.axmed c/samed cabdile
3. Sh c/rashiid baaxeer
4. Sh c/qani ow saalax
5. Suldaan Maxamuud Guuleed
6. Sh Cali Mowliid
Cullimada ayaa dhammaantood waxay xooga saareen arrimaha dacwada , walaaltinimada, ikhlaaska iyo in lagu sabro dariiqa dacwada. Shirka wajigiisii koobaad oo ahaa galinkii hore waxaana uu ku soo dhammaaday jawi farxadeed iyada oo la soo bandhigay wax qabad maqal iyo muuqaal iskugu jira oo u qabsoomay mu,asasada sanadkii 2014.
Isla galabta ayaa dib la iskugu soo laabtay waxanay ergooyinku ka doodeen qodobo dhowr ah oo ku saabsan arrimaha dacwada iyo kor u qaadkeeda dadan oo uu ka muuqday bisayl dacwadeed ayaa ku dhammaatay jawi is afgarad oo aad u sareya waxna dib loo balamay subaxa jimce in sha alllahu.
Shirka Shirwayniii 3 aad ee Mu,asasada Al-karam ayaa haddii Alle idmo waxaa la filayaa in uu ka soo boxo gunaanadka war murtiyeed loogu tala galay saxaafada oo taabanaya dhinacyo badan oo tabaanay bulshowayn ta soomaliyeed ee muslimka ah .
no images were found
Mu,asasada Al-karam
Burco, Halgan.net