Sirdoonka DFS oo War saxaafadeed ka soo saaray duqeyn lagu dilay Yuusuf Dheeg

February 4, 2015 - Written by Editor

NISAMuqdisho:-Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida ee DFS ayaa waxaa ay War saxaafadeed ka soo saaray weerar xaga cirka ah oo ay sheegtay in  lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

31 Bishan aan ku jirno ayaa diyaaradaha nooca Drones ka waxay  ku dishay Cabdi Nuur Mahdi, balse Shabaabka gudihiis looga yaqaano Yuusuf Dheeg, xili uu gaarigiisa marayey meel dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Muqdisho sida laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan NISA.

Afhayeenka wasaaradda Difaaca ee dalka Mareykanka John Kirby ayaa sheegay in weerarka lala eegtay Yuusuf Deeq oo ah madaxa howlgallada dibedda iyo qorsheynta sirdoonka iyo amniga ee kooxda al-Shabaab.

Sirdoonka DFS NISA DFS ayaa waxay sheegtay in Yuusuf Dheeg uu udub dhexaad u ahaa kooxda Al-Shabab.

Warsaxaafadeedka ay soo saareen Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida ee DFS ayaa waxaa uu u qornaa sidan.

War saxaafadeed.
Muqdisho: 04-Feb-2015. Kadib wada shaqeyn dhexmartay Hayadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibo caalami ah ayaa waxaa 31-Janaayo saacadu markey aheyd 5:00Pm. lagu dilay weerar xaga cirka ah Horjooge sare oo ka tirsanaa Kooxda Shabaab.

Cabdi Nuur Mahdi, oo kooxda Shabaab u taqaanay ( Yuusuf dheeg),oo sidoo kale isticmaala magacyo kale, oo ay wehliyeen Horjooga yaal kale ayaa la xaqiijiyay ineey ku geeriyoodeen Duqeyn xaga cirka ah oo ka dhacday meel u dhow dagmada Diinsoor.

Horjoogahan isticaala magacyada badaban ee Cabdi Nuur Mahdi, oo kooxda Shabaab u taqaanay ( Yuusuf dheeg) ayaa sidoo kale ahaa isku duba ridka iyo qorsheeyaha weerarada Gaadmada ah ee gudaha dalkeena iyo waddamo dibaddaba lagu qaado, isagoona ahaa maskaxda ay ku duulaan kooxda.

Wuxuu diyaarin jiray Qaraxyada isugu jira is qarxdinta isalmarkaana waxaa sidoo kale la aaminsan yahay inuu ahaa udub dhaxaad ka Horjooga yaasha fara ku tiriska ah ee kooxdaas sii burbureysa ee Al-Shabaab ka haray.

Ilaa hada maheyno weerarkaas Duqeynta ah kadib dad shacab ah oo wax ku noqday.Tani waxey daliil buuxda u tahay Qorsha yaasha Hayadaha Amaanka dalka uga dagsanaa ciribtirka iyo Baabi inta kooxd gabalkeedu sii dhacaayo ee Al shabaab..

Hayadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka
NISA

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online