Suldaan C/Qaadir Suldan Cali Yaasin Keenadiid oo ku dhintay qarax ka dhacay Masjid ku yaal Hotel Central
February 20, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Allaha u naxariistee waxaa qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan masjid ku yaal gudaha Hotel Central ku dhintay Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cali Suldaan Yaasiin Keenadiid oo ka mid ahaa Issimada deegaanada Puntland.
Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cali ayaa waxaa uu ka mid ahaa dadkii u soo tukaday Salaadii Jimce masjid ku dhex yaal Hotel Central ka dibna uu qaraxu haleelay, Suldaan Cabdulqaadir ayaa u tegay arrin caafimaad magaalada Muqdisho.
Allaha u naxariistee Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cali Suldaan Yaasiin Keenadiid ayaa waxaa uu ka mid ahaa Issimada waaweyn ee Puntland waxaan safarka uu ku tegay magaalada Muqdisho uu u jeed kiisu uu ahaa in uu socdaal caafimaad ku aado dalka Turkiga ah.
Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cali Suldan Yaasiin Keenadiid ayaa waxaa Suldaanka loo doortay sanadkii 2000 ee magaalada Qardho , ka dib geeridii Aabihii Suldaan Cali Yaasin Keenadiid.
Bahda Halgan.net ayaa waxaa si gaar ah tacsi ugu diraysaa dhamaan dadki ku geeryooday qaraxii ka dhacay Hotel Central gaar ahaa eheladii , qaraabadii iyo weliba beeshii uu Issimka u ahaa Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cali Suldan Yaasiin Keenadiid allaha u naxariisto.
M_M_Deeq
Halgan.net