Wadahadalkii dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo dib loo dhigay
February 26, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa dib u dhacay wadahadalkii u dhexeeyay Maamulka S/land iyo dowlada Federaalka Soomaaliya oo la filayey in uu maanta ka furmo maagaalada Istanbul ee xarunta dalka Turkiga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Maamulka Soomaaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in cilad Farsamo uu dib ugu dhacay wadahadalkii u dhexeeyey dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland wuxuuna sheegay in ay dib u bilaaban doonaan 1-da Bisha March 2015.
Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa horey ugu heshiiyey in ay sii wadaan wadahadalada labada dhinac iyaga oo kulamo kala duwan ku yeeshay Turkiga iyo Dubai
Ilaa haatan ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay madaxada dowlada Federaalka Soomaaliya.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net