Wafdii Culumada ee ku sugnaa Nampula oo u dhoofay magaalada Nairobi (Masawiro)
February 5, 2015 - Written by EditorNampula:-Waxaa maanta oo khamiis ah 05/02/2015 ka dhoofay magaalada Nambula ee dalka Muzambig wafdigii culimada ahaa oo ay horkacayeen Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh C/qaadir Boobe oo mudo labo usbuuc ah ku joogay booqasho dacwadeed magaalada Nampula.
Wafdigan culimada ah intii ay joogeen magaalada Nampula ayaa waxaa ay ka jeediyeen magaalada Nampula gaar ahaan Masjidka Abu Bakar duruus fara badan ayagoo sidoo kale ka qayb qaatay xalintii khilaafkii ku kala dhex jiray qaar ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida ee magaalada Nampula, khilaafkaa oo markii danbe u sii gudbay masaajidka kaas oo saamayn ku yeeshay hab socodka howlihii masjidka.
Wafdiga Culumada ayaa intii ay joogeen magaalada Nampula waxaa ay ka jeediyeen in ka badan 10 muxaadarood iyo labo khudbo jimce waxay sidoo kale la kulmeen intii ay ku sugnaayeen Nampula jaaliyadaha kale ee Muslimka ah ee degan dalka Muzambik iyo jimciyaadka dacwada ee ka howlgalo dalka Muzambig (AJID) oo ah urur dacwada ka shaqeeya oo maamulo masaajid iyo madaaris iyo Maraakiz fara badan.
no images were found
Waxaa kale oo ay culimada la kulmeen ururka dacwada ka shaqeeya ee ee loo yaqaan (AHLU SUNAH WAL JAMAACAH) culimada intii ay ku sugnaayeen waxay booqdeen qaar ka mid ah maraakiz iyo xarumo ay maamulaan ururada dacwada, oo runtii daadaal wayn u galay fidinta dacwada ee dalka Muzanbiik.
Culimadaa intii ay joogeen magaalada Nampula ayaa waxaa ka faa,iidaystay jaaliyadaha kale ee muslimiinta ah ee degan muzambiik gaar ahaan jaaliyada muslimka wadamada galbeedka afrika.
Ugu danbeybtii ayaa ducaada iyo waxgaradka Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Nampula waxay sagootiyeen Sh Maxamed Cabdi Umal iyo Sh C/qaadir Boobe waxayna dib ugu laabteen magaalada Nairobi.
Mohamed Aaden Abdille
Nampula