Warbixin Maxkamadii Mareykanka Ee Sheekh Maxamed Idirs Axmed

February 18, 2015 - Written by Editor

2Ku : Dhammaan Walaalaha Ilaahay Dartiis aan u Jeclahay Iyana ii jecel, Meel Kastoo ay Joogaan Mahad oo Dhan Allaah ayaa iska Leh, Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato.

Walaalayaal sida aad horayba ula socoteen bishii Oct 16, 2012, ayey Dawladda Maraykanka igu furtay Dacwad ay Maxkamadda kaga codsaneyso in Layga Qaado Baasaboorka Maraykanka ee aan Qaatay Sanadkii 2003, Iyadoo dacwada ay gadaal ka riixeysey FBIda iyo Arrimaha Gudaha..

Markii Dawladdu dacwaddaas furtay waxaan qabsannay Qareenno difaaca Dacwadda Dawladda.. Ka dibna waxaa bilawday in dhinac walbaa soo bandhigo xujooyinka iyomarkhaatiyada uu u cuskanayo Dacwadiisa iyo Difaaciisa, Taasoo heerar kala duwan soo martay 2013 iyo 2014 oo dhan..Arrimahaasu inta ay socdeenna Safaradayda Dacwadeed wax is bedela kuma keenin Ilaahay Mahadiis..

Bishii May 2014 Wexey Qareenadeennu Maxkamadda Hordhigeen Mooshin ay ku codsanayaan in Dacwadda Dawladda La Tuuro (Dismiss) maadaama ayan keenin wax la cuskan karo..

Bishii Nov 2014 Maxkamaddu Wexey inna soo gaarsiisey Iney diidey Tuuridda Dacwada.. Muddo 15 cisho gudohoodna wixii dood aan ka qabno u soo gudbinno.. Bishii Dec 2014 wexey Qareenadu u gudbiyeen Garsooraha Dacwadda Gacanta Ku haya mooshin 2aad ayna kaga codsanayaan mar kale inuu Dacwadda Dawladda Tuuro,
waxayna hor dhigeen caddayma badan oo tusinaya tag darrida Dacwadda Dawladda.

Bishii Jan 2015 Dabayaaqadeedii ayuu Qaadigu Mar Kale soo diidey Tuuridda Dacwadda Dawladda.. Taasna Macneheedu ahaa in Dacwaddu Socoto, oo Maxkamadda la hor yimaado (Trial) Ka dibna uu Garsooruhu Dacwadda Qaado oo Xukunka kama dambaysta ah Rido..

Shalay oo Bishu Ahayd Feb 16, 2015 ayaan la kulmay Qareenada, iskana warsannay meesha xaalku Marayo.. Wexeyna ii sheegeen ineynu u diyaar garoobeyno marxaladdii kala baxa ahayd ee dacwadda la qaadi lahaa, wexeyna noqoneysaa wixii Bisha April ama May 2015 ka dambaysa Inshallaah..Garsooraha ayaana soo sheegi doona maalinka
Maxkamaddu Noqon doonto..

Maxkamaddu wexey Noqon Doontaa mid hal mar ah, Maalin ama Labo ama Saddex ayaa laga yaabaa iney socoto, Kadibna Garsooruhu uu Xukunka Rido.. Rafcaan Waa jiri karaa  mase xoog badna. Hadii Dawladdu Dacwadeedda ku Guulaysato, wexey noqoneysaa,
mase xoog badna. Hadii Dawladdu Dacwadeedda ku Guulaysato, wexey noqoneysaa ayey yiraahdeen qareennadu in isla markaaba ay weydiisato fulinta in Baasaboorka lagaa qaado wadankana lagaa saaro.

Markii aan weydiiyey waxa laga fili karo wexey ii sheegeen in aan la saadaalin karin go’aanka Garsooraha, laakiin Dacwadduna Culustahay, Rajana aan Qabno inaan ku guulaysanno Ilaahay Idankiis..

Kharashka Maxkamadda bilihii hadda u dambeeyey, oo qaar deyn laysugu leeyahay iyo Maxkamadda soo socota waa ilaa $50,000 (Konton Kun oo Doollar).. Wax kale oo soo baxa mooyaane..

Waxaan Jeclahay Walaalahay Dhammaan inaan u sheego 3 Arrimood: 1) Mahadda Ilaahay Ka Dib, Waxaan Idiin ka Mahad Celinayaa Dhamaantiin Meel Kasta oo aad Joogtaan, sida aad Hiil iyo Hoo, Duco iyo Dadaal iila garab
Istaagteen, Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa Ha idin ka Abaal Mariyo, Waxaanan idin ka Codsanayaa Ducada iyo Dadaalkaba inaad sii waddaan, Jazaakumullaahu. Khayral Jazaa, Ilaahayna Abaalkiinna Janaatul Firdawsa Ha Ka dhigo..
2) Aniga Xaggayga Waxaan idiin sheegayaa in Niyaddaydu Xasiloontahay, Qalbigayguna Deggan yahay, Ilaahayna Subxaanahu Watacaalaa aan ku Kalsoonahay inuu Wax walba isagu Gacanta ku Hayo, Wax Walbana Isagu
Leeyahay, Addoomuhuna aaney waxba awoodin waxna lahayn, Rabbigayna ii doorayo mar walba Sida Khayrku ugu jiro aniga iyo Diintayda iyo Dacwadayda iyo Dadkayga..

3) Waxaan Axbaabta Dhan u Sheegayaa, Shirarkii iyo Ballamihii iyo Booqashooyinkii dacwadeed ee qorshaysnaa bilaha Soo Socda: Sida Shirka Norway, Shirka Holland, Booqashadii Ardaydeenna China, iyo Shirarkii Canada,
iyo Safarada Kaleba iney sidoodii yihiin inshallaahu inta aan Socon karo, Hadii aan Noolahay, Ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu Nicmooyinkiisa Faraha Badan ee uu na siiyey noo siyaadiyo..

Jazaakumullaahu Khayral Jazaa, Ducadana Si
Guud iyo Si Gaaraba iigu Soo Wada..
Walaalkiin: Sh. Maxamed Idiris Axmad..
Columbus, OH
Feb 17, 2015

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online