Warbixinta Xisaab celinta dhismaha buundada Middigar, Libaaxo, Xamurta iyo Fallaryaale [Masawiro]
February 23, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Buundada Middigar waxay ku taal galbeedka tuulada Sin-u-jiif ee hoos timaada degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal .
Halka buundadu ka dhisan tahay waxaa jabsaday duufaan-roobaaddii ku dhufatay gobollada Puntland 11/Nov. 2013 taasoo kalliftay in uu kala go’o isu socodkii dalka iyadoo gabi ahaanba uu istaagay gaadiidkii u kala soconayay gobollada dalka.
Waxaa kale oo duufaantu gaarsiisay burbur xooggan qeybo kale oo waddada ah gaar ahaan deegaannada Libaaxo, Xamurta iyo Fallaryaale.
Wada tashi muddo socday kadib waxay dawladda Puntland guddoonsaday in halka aagga Middigar laga dhiso buundo, deegaannada kale ee waddadu ka burburtayna la dayactiro si isu socodka dalku ugu soo noqdo sidii hore.
18/2/2014 ayaa madaxweynaha puntland uu dhagax dhigay mashaariicdaas, iyadoo howsha loo saaray guddi isug jira xubno dawladda ah, culimada, ganacsatada iyo injineerro.
Waxaa baaq guud loo jeediyay dhammaan dadweynaha reer Puntland si ay gacan uga gaystaan hirgalinta mashaariicdaas, si weyna waa la isug xilqaamay taabbagalinta mashaariicdaas dawlad iy shacab labadaba.
no images were found
Waxaa xusid mudan in mashaariicdaas ay ka hawlgaleen shirkado dhisme oo waddani ah iyo injineerro dalka u dhashay oo waqtigooda iyo aqoontooda u huray guulaysahada mashaariicdaas.
Waxaan innana ka qaybqaadan mashaariicdaas hay’adaha ajnabiga ah ee dalka u jooga danaha iyo ujeeddooyinka kala duwan, isticmaalka waddadana ula siman bulshada inteeda kale.
Sanad ka dib waxaa lagu guulaystay in lasoo afjaro dhammaan mashaariicdaas, munaasabad lagu soo xirayana waxaa lagu qabtay hoolka shirarka ee jaamacadda bariga Afrika shalay oo ay taariikhdu ahayd 22/2/2014 .
Guddiga heer Puntland ee loo igmaday mashaariicdaas ayaa waxay soo bandhigeen xisaabaadkii soo galay iyo siday u baxeen.
Guddiga gaarka ah ee dhismaha mashaariicda kor ku xusan
Garoowe
Puntland