Wasiirka Caafimaadka PL oo kulan labo maalmood qaadanaya u furay Shaqaalaha Caafimaadka Gobolka Karkaar.

February 16, 2015 - Written by Editor

4Qardho:-Waxaa magaalada qardho ee xarunta gobolka karkaark safar shaqo kusoo gaaray wafdi uu hogaaminayo wasiirka caafimaadka dowlada Puntland Dr Sadiq Enow, wafdigan oo ka socda wasaarada caafimaadka dowlada Puntland ayaa magaalada qardho u yimi inay ka qaybgalaan shir sanadla ah oo ay kusoo bandhigaan shaqaalah caafimaadka gobolka Karkaar waxqabad koodii sanadkii tagay sidoo kalana ay ku soo bandhigaan qorshayaashooda sanadka soo socda.

Kulanka ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise Hogaamo waxaana gudoomiyaha u mahadceliyay guud ahaan shaqaalaha wasaarada caafimaadka gaar ahaan kuwa Gobolka Karkaar, gudoomiyaha ayaana aad u amaanay shaqada ay wasaaradu iyo hay’ada Save the Children ay ka hayaan gobolka Karkaar.

Qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada caafimaad ka ee safarka shaqo ku wehliyay wasiirka ayaa dhankooda sheegay in gobolka karkaar u hormuud u yahay dhamaan gobolada dalka caafimaadka asaasiga ah sidaana ay sheegtay hay’ada caafimaadka Aduunka ee WHO, taana ay ku amaananyihiin bahda caafimaadka gobolka.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa ka hadlay wasiirka wasaarada caafimaadka dowlada Puntland Dr. Sadiq Enow, wasiirka ayaana sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu ka qaybgalo kulankaan looga hadlayo horumarinta caafimaadka gobolka hormuud ka u ah gobolada soomaaliya caafimaadka asaasiga, wasiirka ayaa waxa uu sidoo kale aad u amaanay shaqaalah caafimaadka gobolka wuxuuna sheegay in qofwalba uu masuul ka yahay shaqada uu bulshada u hayo lagalana xisaabtami doono sidaa daraadeed shaqaalaha looga baahanyahay howl karnimo iyo wadashaqayn joogta ah.

Kulankan ay wada qaateen shaqaalaha caafimaadka gobolka Karkaar, Hay’adaha ka shaqeeya caafimaadka iyo wasaarada caafimaadka Dowlada Puntland ayaa waxaa aad looga hadlay wixii u qabsoomay shaqaalaha gobolka iyo waxa u qorshaysan sanada hada aan ku jirno.

no images were found

M_M_Deeq
Qardho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online