Wasiirka cusub ee cadaalada ee DFS Gen. C/llaahi Axmed Jaamac oo xilkii lagu wareejiyay.

February 16, 2015 - Written by Editor

faaraxMuqdisho:- Waxaa shalay lagu qabtay xarunta dhexe ee wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee DFS munaasabad xil-wareejin oo aad loo soo agaasimay. Waxaa xilka wareejinayay wasiirkii hore ee Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, isaga oo xilalkii uu hayay uu ku kala wareejiyay, wasiirka cusub ee Caddaaladda mudane Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac iyo wasiirka cusub ee Dastuurka mudane Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen.

Munaasabadan waxaa ka soo qeyb galay goobjoogna ka ahaa masuuliyiin sare oo heer qaran ah uuna hor-kacayay, ku simaha Raysul-wasaaraha ahna Raysul-wasaare ku-xigeenka Xukuumadda mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib, wasiirro, wasiirro-ku-xigeenno, wasiiru-dowlayaal, Xeer-ilaaliyaha qaranka, dan-jirayaal, marti-sharaf iyo hawl-wadeennaddii iyo shaqaalaha wasaaradda.

Wasiirkii hore ee Wasaaraddii Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xildhibaan Faarax Sh.C/qaadir ayaa hadal kooban, oo macna weyna xambaarsan ka jeediyay madasha xil-wareejinta, isaga oo soo dhaweeyay wasiirrada cusub, warbaxin koobanna ka bixiyay wasaaradda wax-qabadkeeda,isla markaana guddoosiiyay wasiirrada cusub nuqullo buugaag ah oo la xiriira qorshahii, wax-qabadkii iyo himilooyinkii wasaaradda. Waxuuna mudane Faarax u ballan qaaday inuusan ka gaabin doonin waxii talo ah ee looga baahdo, maadaama uu yahay, xildhibaan iyo muwaadin Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa si weyn ugu nuuxnuuxsaday in caddaaladdu tahay laf-dhabarka dowladnimada, waxuuna yiri: Waddankeenna ma burburin maalintii ay dowladdii dhexe burburtay, ee waxuu burburay maalintii ay caddaaladdu burburtay, dadkuna ay lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen caddaaladda iyo garsoorka, taana ay keentay, inay umadda lumiso kalsoonidii ay ku qabeen dowladda”.

Muadane Faarax sheekh Cabdiqaadir asaga oo ka hadlayey waxqabdkii Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka wuxuu yiri “ Wasaaradda waxyaabaha ay ku guuleysatay oo u qabsooomay waxyaabo badan waxaana kamid ah: Dayac-tirka qeybo kamid ah wasaaradda, kobcinta agabka xafiisyada, tayeynta iyo sare u qaadista xirfadaha shaqaalaha; meel-marinta Xeerka Golaha Garsoorka, samaynta Guddiga Madaxabannaan ee Dibu- eegista Dastuurka, meel marinta xeerar kale, sida midka la xiriira, Daryeelka Caruurta sidoo kale, waxey wasaaraddu si wanaagsan uga shaqeysay xiriirka dadweynahu iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen hir-gelinta dibu-habeynta caddaaladda waddanka.

Mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir wuxuu mahad balaadhan u diray beesha caalamka gaar ahaan dowladaha Maraykanka, Ingiriiska, Turkiya, Holand, Talyaaniga, Iswiidhan iyo sidoo kale, ururrada caalamiga ah sida: Midawga Yurub iyo hayadaha kale duwan ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka cusub ee wasaaradda Cadaaladda Mudane Jen. C/llaahi Axmed Jaamac, dhankiisa wuxuu mahad balaadhan u soo jeediyay wasiirkii hore ee wasaaradda mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo shaqaalaha wasaaradda, wuxuuna balan qaaday in uu ku socon doono waddadii uu jeexeen raggii asaga ka horreeyay, wuxuuna ku faanay in uu u yimid meel dhisan, lana hormariyay, diyaarna u yahay ka faa’iidaysiga khibradaha mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir waa sida uu yiri wasiirku mudane Jen, C/llaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir).

Sidoo kale munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka hadlay Wasiirka cusub ee wasaardda Arrimaha Dastuurka mudane Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, wuxuuna u mahadceliyey wasiirkii hore ee wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, waxuuna ballanqaaday dhameystirka Dastuurka Qabyada ah sanadkan gudahiisa iyo inuu noqon doono dastuur ay dadku wada leeyihiin. Mudane Xuseen, ayaa si sheegay in ay wasaaraddiisu si dhaw ula shaqeyn doonto Guddiga Dibu-eegista & Hirgelinta Dastuurka.

Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna sii hayaha jagada Raysul-wasaaraha; mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa u mahadceliyay wasiirkii hore ee wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, wuxuuna ku tilmaamay shaqadii uu qabtay mid tusaale wanaagsan u noqonaysa dhammaan wasaaradaha kale ee qaranka.

Ku simaha Ra’iisul-wasaaraha ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay dhameystirka Arrimaha Dastuurka, isla markaana ku boorriyay laamaha adeegyada garsoorkana in ay la jaanqaadaan Dastuurka cusub.

Dhamaad.

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online