Wasiirka Difaaca Gen Diini “Waxaan xooga saari doonaa dib-u-dhiska Ciidan Qaran oo isku dheeli tiran”

February 10, 2015 - Written by Editor

Gen. DiiniMuqdisho:-Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federalka Soomaaliya Gen. C/qaadir Sh.Cali Diini oo ansixinta Xukuumadda kadib, saxaafadda la wadaagay dareenkiisa ku aadan waxa u qorshaysan marka uu xilka la wareego, ayaa uga mahadceliyey xubnaha golaha baarlamaanka codka kalsoonida ee ay siiyeen xukuumadda, isagoo sheegay in uu muhiimadda koowaad siin doono sidii dalku u yeelan lahaa ciidan xoog leh oo hanan kara amniga dalka isla markaana ay u dhameystiran yihiin adeegyadii uu ku howlgeli lahaa.

Wasiirka ayaa sheegay  ilaa iyo hadda ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed in aysan heysan agabkii loo baahnaa, taasoo ah shay aad muhiim ugu ah sidii loo hubin lahaa ammaanka Soomaaliya ee mustaqbalka fog iyo dhamaystirka xoreynta goobaha wali ay ku harsan yihiin kooxaha Nabad diidka ah.
“Dib u dhiska ciidamada xoogga wax weyn ayaa  ka qabsoomay, inkastoo aan weli la gaarin meeshii la rabay oo ah in ciiidanka dhinac walba laga dhameystiro, sida qalabka, tirada iyo dhaqaalaha” ayuu yiri Gen Diini oo intaas raaciyay.

“Waxaan furi doonaa barnaamijyo lagu dhiirgelinayo bulshada qeybaheeda kala duwan gaar ahaan dhalinyarada aqoonta leh  in ay uga mid noqdaan ciidanka qaranka si loo helo ciidamo hufan oo aqoon iyo karti leh”.

Ugu danbeyn, Wasiirka ayaa sheegay  in wsaaradda difaaca ay qaadan doonto qorshe cad oo lagu hagayo dhisidda  ciidan qaran oo isu dheelitiran iskuna dhafan, lagana soo qoro dhammaan goballada iyo degmooyinka dalka.

—Dhammaad—-

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online