Wasiirka Difaaca oo Kormeeray Xarunta loo dhisayo Kuliyada Saraakiisha Xogga dalka [Masawiro]

February 23, 2015 - Written by Editor

IMG_6886Muqdisho:-Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta kormeer howlleed ku tagay goob laga dhisayo Kuliyada Saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxana kormeerka ku weheliyey Taliyaha Ciidamadda Xogga dalka S/G Daahir Aaden Cilmi iyo saraakiil kale.
Ugu horeyn, Wasiirka ayaa soo kormeeray goobta ay Dowladda Turkigu ka dhisayso xerada, isagoo sidoo kalena Warbixinno ka dhageystay Injineerka howshaasi gacanta ku haya.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay sida ay u socoto dhismaha xerada uu maanta kormeerka ku tagay, isagoo intaasina ku daray in dhismaha xeradan uu muhiim u yahay wasaaradda Difaaca.

“Waxaa wax lagu farxo ah horumarka iyo dhismayaasha cusub ee ka socda xeryaha ciidamadda, waana mid qof walba oo Soomaali ah farxad gelin kara, sidaas darteed waxaan u mahadcelinayaa dowladaha aan walaalaha nahay ee qeybta ka qaadanaya horumarka ciidamadda Soomaaliyeed gaar ahaan dowladda Turkiga oo howshan gacanta ku haysa ”ayuu yiri Wasiirka Difaaca Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini.

no images were found

Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xusay in Wasaaraddu ay sii wadi doonto howlaha dib u dhiska ah ee lagu sameynayo dhammaanba xarumaha ay leedahay Wasaaradda Difaaca, ayadoo dib u dhiskaasina lala kaashanayo hay’adaha iyo Dowladaha Soomaaliya saaxiibada la ah, wuxuuna ku booriyey shacabka Soomaaliyeed iney gacana ku siiyaan sidii loo soo celin lahaa sharaftii ciidamadda xogga dalka Soomaaliyeed.

—-DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online