Wasiirka Waxbarashada Puntland oo booqday Dugsiga Sare ee Gambool ee Garoowe.[Masawiro]
February 10, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland Dr.Cali Xaaji Warsame ayaa saakay waxaa uu booqasho ku tagay Dugsiga Sare ee Gambool , waxaana dugsiga ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal Xaashi Xuseen Faarax, Maamulka dugsiga sare ee Gambool ,Macalimiinta iyo Ardayda.
Wasiirka ayaa ardayda kula hadlay Fagaaraha dugsiga wuxuuna Wasiirku Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda uga mahad celiyey soo dhaweyntoodii wanaagsanayd wuxuuna sidoo kale Maamulka dugsiga ku amaanay shaqada culus ee ay hayaan , dhanka kale Wasiir Cali Xaaji ayaa Ardayda ku dhiirigaliyay inay sii wadaan Waxbarashadooda ayna yihiin Ubixii dalka iyo mustaqbalkii hoggaanka dalka.
Wasiirka Waxbarashada Puntland oo khudbad dhinacya badan taabanaysa u jeediyey Ardayda ayaa ugu bishaareeyey in Puntland ay yeelatay Manhaj Waxbarasho oo dhamaystirankaas oo wax weyn ka badali doona habka Waxbarashada Puntland, sidoo kale Wasiirka ayaa Ardayda ku dhiirigaliyay inay qaybtooda ka qaataan hormarinta Waxbarashada Puntland iyo ka qayb qaadashada ka shaqaynta Amniga dalka.
Intii ay socotay booqashada uu Wasiirka Waxbarashadu ku marayey dugsiga Sare ee Gam bool waxay Ardaydu su’aalo weydiiyeen Wasiirka, Wasiirku ayaa uga jawaabay Ardayda su’alihii ay weydiiyeen wuxuuna ku booriyey in Ardaydu ay masuuliyiinta u yimaada ay weydiiyaan su’alo si ay wax uga ogaadaan shaqooyinka ballaaran ee laga hayo hormarinta Waxbarashada dalka iyo halka uu marayo hiigsiga Waxbarashada Puntland.
Boqoshadaan ayaa qeyb ka ah booqashooyin uu Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Puntland Cali Xaaji Warsame ku tagayey Asbuucyadaan dugsiyada Hoose/Dhexe iyo kuwa Sare ee Puntland, booqashooyinkaa ayaa ujeedkoodu tahay sidii dhallaanka waxbarashada ku guda jira loogu dhiirigalin lahaa siiwadashada Waxbarashadooda iyo sidii Ardayda loola wadaagi lahaa fikradahooda si looga faaiidaysto maskaxdooda.
no images were found
Xafiiska Warfaafinta Wasaarada Waxbarashada.
Faafin Halgan.net