Wasiirkii hore ee amniga PL Col Khaliif Ciise iyo Cali Cabdi Awaare oo ka tacsiyeeyey geerida Suldaan Cabdulqaadir.[Dhagayso]

February 21, 2015 - Written by Editor

221Garoowe:-Siyaasi Cali Cabdi Awaare oo ah siyaasi si weyn looga yaqaan deegaanada Puntland iyo wasiirkii wasaaaradda amniga ee dowladda Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa maanta si wada jir ah ugaga tacsiyadeeyay guud ahaan dadkii Soomaaliyeed ee ku geeri yooday Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Hotelka Central.

Siyaasi Cali Cabdi Awaare iyo Wasiirkii wasaaaradda amniga ee dowladda Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo ka qayb qaatay Barnaamij Tacsi ah oo habeen nimadii xalay ka baxay Idaacadda SBC ayaa marka hore cambaareeyay falka aragixisnimo ee shalay lagu qaaday Hotelka Central Muqdisho, waxayna sheegeen in ay noqotay falkaas mid taariikhda ka galay Baal Madow .

Allaha u naxariistee labad masuul ayaa Suldaan Cabdulqaadir Cali Yaasiin Keenadiid iyo C/shakuur Mire Aadan ayay si gaar ah ugu tacsiyadeeyeen ehelkii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen.

Hoos ka Dhagayso tacsi ay direen Siyaasi Cali Cabdi Awaare iyo Wasiirkii wasaaaradda amniga ee dowladda Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan [SBC]

[audio: http://allsbc.com/sbcon/wp-content/uploads/2015/02/TACSI-ISIN-_AWAARE-MUDAN-.mp3]
M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online