Xaalada Caafimaad ee Isbitaalka Manhal Hospital ee magaalada Laascaanood.[Masawiro]

February 23, 2015 - Written by Editor

11Laascaanood:-Isbitaalka weyn ee Manhal Hospital ee ku yaal magalada Laascaanood ayaa ah Isbitaal shaqeeya 24 saac waan Isbitaalka labaad ee ugu weyn ee ku yaal gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Manhal Hospital , Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil (Dakhtar Shiine ) oo ka warbixiyey xaalada Manhal Hospital ayaa sheegay in hawlaha Caafimaad ee Isbitaalka ay marayaan meel wanaagsan .

Isbitaalka Manhal Hospital oo ah Isbitaal dhamaystiran oo leh agab Casri ah ayaa Bulshada Magaalada Laascaanood ka fuliya adeegyo badan oo muhiim ah , iyadoo ay ka hawl galaan Dhakhaatiir xirfad iyo Takhasusaad kala duwan u leh Mihnadooda Caafimaad si joogto ahna 24 kii Saac heegan u ah inay bixiyaan adeegooda caafimaadka . Isbitaalka Manhal Hospital ayaa waxaa ay ka kooban yihiin Kaalkaaslisooyin, Dhakhaatiir ku Takhasusay Xanuunada Kala duwan.

Dhakhaatiirtan oo isugu Jira kuwo Ajaaniib iyo Muwaadiniin ayaa Isbitaalka si joogta ah looga helo xilli walba oo si deg deg ah (Emergency), 24 kii Sac ee u danbeeyey waxaa laga fuliyay Howl caafimaad oo ballaadhan , iyadoo ay 65 Qof loo fuliyay Qalliin iyo Fiiqid indhaha ah.

Dr Maxamuud Axmed Maxamed (Shiine) oo ah Dhakhtar ku takhasusy Indhaha ( Ophthalmologist) ayaa 24 kii Saac ka Fuliyay Caafimaad ee Indh fiiqiqa.Barnaamijkan indha Fiiqida oo ay ka faa’iidsay teen 65 Qof wax ka badan ayaa si guul ah u soo dhamaaday .

Adeegyada Caafimaad ee uu Manhal Hospital bixiyo ayaa waxaa ka mid ah:-

1. Daawaynta Xanuunada Guud .

2. Daawaynta Xanuunada Caruurta .

3. Daawaynta Xanuunada Haweenka iyo Qallinkooda.

4. Daawaynta Xanuunada Qalliinka Indhaha.

5.Daawaynat Xanuunada Ilkaha iyo Daawayntooda.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalkan Dr.Maxamed Cabdi Ismaciil (Dr Shiine ) oo ka waramaya Siyaabaha ay ugu guulaysteen in Manhal Hospital ay Tayeyaan ayaa waxaa uu yidhi ‘‘Ka dib markaan u kuur galay Adeegyada ugu tayaysan ee Cusbitaalka uu u bahan yahay inuu yahay in La helo Agab iyo Dhakhaatiir Aqoon qoto dheer leh ayaanu geed dheer iyo mid gaaban u galnay arintaana waanu ku guulaysanay.”

Sidoo kale isaga oo Agaasimaha hadalkiisa si wata ayaa wuxuu yidhi ‘‘Wuxuu awood u lee yahay cusbitaalka inuu yahay buuxiyo baahida in laga helo Agabka awooda inuu Baadho Hormuunada bani aadamka isagoo adeegsanaya Qalabka Casriga ah ee loo yaqaano (ELISA) .’ ayuu ku soo gabagabeeyey Agaasimuhu hadalkiisa.

Dhakhaatiirkta hada ka hawl gasha Cusbitaalka ayaa waxaa ka mid ah:-

1. Dr. Abdi Majid Sh Husein Sugulle oo ah Dhakhtar qaabilsan daaweynta cudurada iyo kuwa Caruurta.

2. Dr. Mohamed Abdi Ismaaciill , oo ah Dhakhhtar ku qaabilsan Indhaha .

3.Dr. Abdirahman Aynayn oo ah dhakhtar ku takhsusay xanuunada Dumarka iyo Qaliinkooda ah.

4.Dr. Cali Ahmed Xuseen oo ah dhakhtar ku takhasusay Ilkaha .

Ugu danbayntii ayaa waxaa muuqata inay hawl wadeenada cusbitaalku ay si hufan ugu adeegaan bulshada kagana baaqsadeen dayicii iyo safarkii ay meelo fogfog u aadi jireen ayna tusaale u yihiin lagu dayan karo in bulshadu iyadu danteeda ka shaqaysato oo aysan cidna sugin.

no images were found

Mawliid Ismacil Haradigeed
Lasanod ,Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online