Xal laga gaaray Khilaaf ka jiray Masjidka Abu Bakar ee Nampula Muzambiik (Masawiro)
February 3, 2015 - Written by EditorNampula:-Waxaa xal laga gaaray maalintii sabtigii ahayd 31/01/2015 khilaaf mudo labo sano iyo bar ka jiray maamulka Masjidka Abu Bakar ee jaaliyada Soomaalida ee dalka Muzambiik.
alxamdulillahi khilaafkaas oo ku kala dhex jiray qaar ka mid ah jaaliyada Nampula ee Soomaalida ayaa waxaa isu taagay wafdigii culimada ee uu hogaminayeen Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sh C/qaadir Boobe oo socdaal dacwo ku jooga magaalada Nampula
Wafdi culumada iyo Waxgarad kale oo ku sugan magaalada Nampula ayaa mudo 8 casho ku mashquulsanaa xalinta khilaafka ayaa waxay la kulmeen dhinacydii is haayay iyo akhayaarta Nampula iyo hay,adaha dacwada ka shaqeeya ee ah muwaadiniinta muslimka ah ee reer musambiik.
culimada oo ugu danbaystii ku guulaystay in ay isu keenaan dhamaan xubnaha jaaliyada soomaalida maalintii sabtida ahayd ayaa waxay kaga dhawaaqeeen masjidka maamul ku meel gaar ah oo isugu jira gudi sare iyo gudi fulin iyo gudiga dacwada iyo tacliimta.
Intaas ka dib markii ay culimada ku dhawaaqeen gudiga ayaa waxaa halkaa ka hadlay qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid ahaayeen ragii khilaafka ka dhaxeeyay oo si wayn u soo dhaweeyay una mahad naqay allah ka sakoow culimada sida ay isugu xil qaameen xalinta khilaafkan waxayna xuseen in ay ku qanacsanyihiin maamulka cusub ee ku meel gaarka ah ee loo sameeyay masjidka Abu Bakar.
Waxaana ka mid ahaa odayaashii ka hadlay xafladii lagu soo bandhigay maamulka masaajidka Xaaji c/ khayr oo loo yaqaano Qadaafi, xaaji abuukar, xaaji cabdi, xaaji wadaad yare iyo akhayaar kale oo dhamaan soo dhaweeyay maamulka cusub ee culimada ay ku dhawaaqeen.
waxaa xusid mudan in khilaaf ka jiray maamulka jaaliyada somaalida ee Nampula oo markii danbe lugaha la soo galay masaajidka oo sabab u noqday in acmaashii masaajidka si fiican u socon wayday.
Wafdiga culimada ayaa waxay sameeyeen maamul sanad ah oo ku meel gaar ah oo ay ishraafayaan culimada uu hogaaminaayo sh. maxamed cabdi umal, waxaana sheekha wehliyay sh. c/qaadir boobe, sh. xudayfe raage iyo sh. maxamed aadam abdile.
no images were found
Culimada waxay u mahadnaqeen dhamaan odayaashii, culimadii, dhalinyaradii, iyo akhayaartii kala shaqaysay xalinta khilaafka iyo sidii ay ugu fududeeyeen xalinta khilaafka.
allah waxaan waydiisanaynaa in uu is faham iyo walaalnimo siiyo jaaliyada soomaalida ee Nampula iyo soomaali meelay joogtaba iyo muslimikoo dhan AAMIIN. AAMIIN.
MOHAMED AADAN ABDILE
NAMPULA
HALGAN.NET