Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Kenyan oo lagu dilay Nairobi

February 7, 2015 - Written by Editor

MP GeorgeNairobi :-Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in rag hubaysan ay toogasho ku dileen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya oo magaciisa la yiraahdo George Muchai.

Xildhibaan George Muchai ayaa waxaa lala dilay labo ilaaladiisa ahaa iyo wadihii gaariga waxaana uu weerarku ka dhacay waddada Kenyatta Avenue ee magaalada Nairobi.

Ciidamo badan oo ka tirsan laamaha kala duwan ee Amaanka ayaa waxaa lagu soo daadiyey magaalada Nairobi kuwaas oo wada baaritaano kala duwan.

Xildhibaan George Muchai ayaa waxaa uu ka soo galaa baarlamaanka Kenya magaalada Kabere, ee gobolka Kiambu ee bartamaha dalka Kenya.

Ilaa haatan ma jiraan cid sheegatay dilka xildhibaanka ka tirsan baarlamaanka dalka Kenyan iyo ilaaladii la socotay.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online