34 Arday oo dhamaysatay Xifdinta Quraanka Kariimka oo Xaflad loogu Qabtay Masjidka Cumar Binu Khadaab.[Masawiro]

June 9, 2015 - Written by Editor

IMG_8841Qardho:-Munaasabadan shahaadooyinka lagu gudoonsiinayay 34 arday oo dhamay satay Xifdinta Quraanka kariimka ayaa waxaa ka soo qayb galay Culumaa’udiinka magaalada, Masuuliyiinta Mua’ssada Al-minhaaj ee Qardho, Macalimiinta Masaarida, waalidiin, Maamulka Macalimiinta iyo ardayda madarasada Daaru Sacaada Qardho.

Cumar Siciid Mataan Maamulaha madarasada Daaru Sacaada Qardho oo ugu horayn ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in madarasada la furay sanadkii 2011 tirada ardayda wax ka baratana kor u dhaafayaan ilaa 600 oo arday, madarasada ayaa Qardho ku leh 4 xarumood halka Boosaaso ay ku leedahay hal xarun, madarasada ayaa mudadii ay furnayd guula la taaban karo gaartay ayadoo ka qaybgashay Tartamada Quraanka kariimka bisha Ramadaan halka ay u suura gashay maanta inay ka qalinjabiyaan 34 arday oo dhamaysatay quraan kariimka, waana tiradii ugu badnayd oo abid dhamaysa quraanka kariimka oo xaflad loogu qabto Masjidka wayn ee Cumar binu Khadaab.

Gudoomiyaha Muasasada Minhaaj ahna Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Qardho Sheekh. Cali Maxamed Cali oo munaasabada ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaday qiimaha munaasabadaha noocaan oo kala ah ee lagu waynaynayo Quraanka Kariimka iyo ardayda xifdisan quraanka wuxuuna aad u bogaadiyay madarasada Daaru Sacaada oo uu sheegay in ay tahay madaraso aad u dhiiragalisa ardaydeeda sanad walbana u qabata labo ilaa saddex xafladood oo ardayda lagu dhiiragalinayo, Sh. Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in masjidka Cumar Binu Khadaab Qardho uu u furan yahay oo ay ku soo dhowaynayaan cid alle cidii doonaysa inay ku qabsato munaasabadaha noocaan oo kala ah oo lagu waynaynayo Quraanka, dhamaan dugsiyadana ay ugu baaqayaan inay xafladahooda ay ku waynayna yaan quraanka kariimka ku qabsadaan masjidka Idaacada Quraanka Kariimkana laga baahin doono xaflada si dhamaan Bulshada Magaalada ay u wada dhagaystaan.

Qaar kamid ah Macalimiinta kasocotay Masaarida ayaa dhankooda sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin inay kasoo qaybgalaan munaasabad lagu waynaynayo laguna dhiiragalinayo arday xifdisay Quraanka Kariimka ardaydana kula dardaarmay inay halkooda kasii wadaan akhrinta iyo xifdina Quraanka Kariimka sidoo kalena baristiisa ka qayb qaataan.

Waalidiintii kasoo qaybgashay munaasabada oo hadalo kookooban halkaa kasoo jeediyay ayaa sheegay in farxadooda maanta aan halkaa lagu soo koobi karin, mahad balaarana ay u jeedinayaan Maamulka iyo macalimiinta mudada ardayda wax baraysay waxay kaloo ardayda kula dardaarmeen iyadoo bishii Ramadaanka uu soo dhowayahay Masjidkana lagu qaban doono Tartamadii Quraanka Kariimka inay kasoo Muuqdaan oo kaalmaha hore ay yimaadaan.

Madarsada Daaru Sacaada Qardho oo Xarumo farabadan ku leh magaalada Qardho ayaa kaalin weyn ka qaadatay soo saarista Arday Xifdisan Quraanka Kariimka kaalin wayna ka qaadatay dardargalinta iyo horumarinta Barashada Quraanka Kariimka.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online