Al-shabaab oo weerar is miidaamin ah ku qaaday Hoolka Kafaalo ee degmada Cadaad

June 18, 2015 - Written by Editor

DSC03066Cadaado:-Waxaa saaka weerar is miidaamin ah ku soo qaaday xarunta ergeda ee degmada cadaado ee kafaalo oo ilaa 300 oo qof ku jireen saakay 7da iyo barkii subaxnimo xubno ka tisan ururka al-shabaab iyagoo weerarkood rabay in ay u adeegsadaan gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa balse intuu uusan gaarigu soo gaarin hoolka shirka ayaa waxaa ka hor tegay ciidamadii ilaalada ka hayey hoolka Kafaalo ee uu ka socday shirka waxaan ay ku fureen rasaas fara badan.

Gaariga oo qarxay ka dib waxaa dagaal socday mudo 15 daqiiqo ah uu dhexmaray ciidankii Ilaalada ka hayey Hoolka Kafaalo  iyo xubnihii Al-shabaab ee gaariga la socday oo tiradooda lagu sheegay ilaa 3 xubnood.

Ciidamadii ilaalada ka ahaa Hoolka shirka Kafaalo ee degmada Cadaado oo iskugu jiray Itoobiyaan iyo Soomaali ayaa ku guulaystay in ay fashiliyaan weerarkii Al-shabaab ay rabeen in ay ku laayaan Ergo gaaraysay ilaa 300 oo qof oo ku sugnaa Hoolka Kafaalo ee degmada Cadaado una ka socday shir maamul u samaynta Gobolladda dhexe.

Wararka u danbeeyey ee naga soo gaaraya degmada Cadaado ayaa sheegay in alle mahadiis aysan wax dhib ah soo gaarin Ergadii shirku u socday xaaladuna ay hadda tahay mid degan.

Wixii soo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa insha Allaahu.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online