Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka warbixiyey socdaalkiisii 7 Bilood uu Qardho kaga maqnaa.[Video/Masawiro]
June 17, 2015 - Written by EditorQardho:-Qado sharaf maanta uu Boqor Burhaan Boqor Muuse u sameeyay Issimada, Odayaasha iyo waxgaradka Gobolka karkaar ayna goobjoog ahaayeen Maamulka Gobolka iyo kan Degmada, Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Axmed Cilmi Cismaan Karaash kana dhacay Dadboone ayaa boqor Burhaan waxa uu uga warbixiyay dhamaan Marti sharaftii kasoo qaybgashay Qadada iyo Saxafada oo goobjoog ahayd Safakiisii qaatay mudadad 7 bilood ee uu ku soo maray wadamo badan oo caalamka ah.
Boqorka oo khudbadiisa dhinacayo badan taabanaysay aaya ugu horayn waxa uu uga hadlay Qoxootiga walaalaha ee kasoo barakacay dagaalada Dalka Yaman, wuxuuna dhamaan bulshada ku booriayay ayadoo bishii barakaysnayd ee Ramadaan Bilaabanayso in la caawiyo Qoxootiga intii la awoodo, sidoo kale dadka muslimiinta ah ayaa boqroku waxa uu kula dardaarmay alla kacabsi iyo in laga faa’iidaysto bishaa barakaysan ee Ramadaan, intaa ka gadaal Boqor Burhaan ayaa usoo dhaadhacay Muhimada Qada Sharafta, wuxuuna sheegay in bishii November ee sanadkii hore uu ka tagay magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar uun socdaal ku tagay wadamo fara badan oo kuyaala Yurub, Maraykan iyo Africa, wuxuuna u mahadceliyay dhamaan dadkii kusoo dhoweeyay wadamadaas.
Boqor Burhaan ayaa sheegay inuu socdaal ku tagay wadanka Koonfur Africa oo ay soomaali farabadan ku noolyihiin soomaalidaa oo dhibaatooyin farabadan kala kulma dadka koonfur afrikaanka ah wuxuuna sheegay inuu halka kula kulmay Boqorka Qoomiyada Zuuluuga oo ahaa boqorkii kadambeeyay fikrada ah in wadanka laga saaro oo lala dagaalamo dadka afrikaanka ah gaar ahaan Soomaalida, wuxuuna xusay inuu la kulmay boqorkaa uuna kala hadlay arinta afrika gaar ahaan Soomaalida wadahadal kadib boqroka Zuuluuga ayaa soo dhoweeyay arintaa taageerayna in lamideeyo oo laga shaqeeyo danaha dadka afrikaanka ah.
Boqorka oo ku sugnaa Magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya mudo laba Asbuuc ah ayaa reer Muqdisho uga mahad celiyay soo dhowayntii ay soo dhoweeyeen gaar ahaan waxa uu u mahadceliayay Isimada iyo odayaasha Gobolka Banaadir, Masuuliyiinta Dowlada Federalka, Boqorka ayaa sidoo kale u mahad celiayay Odayaasha iyo Ugaasyada Jubooyinka, Hiiraan, Koonfur Galbeed oo uu dhamaantood kula kulmay magaalada Muqdisho kuwaa oo Muqdisho u yimi sidii ay ula kulmi lahaayeen Boqorka, Boqorka ayaa gabagabadii hadalkiisa xusay in laba shir oo mid danaha Puntland looga tashanayo kaas oo dhici doona Ramadaanka Kadib iyo Midkale oo looga tashanayo Arimaha Soomaaliya oo asna dhici doona xajka kadib ay jiri doonaan kuwaas oo ka dhici doona magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.
no images were found
Hoos ka Daawo warbixintii Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo warbixintii safarkiisii dibada
<Halgan.net