Boqor Burhaan Boqor Muuse oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Qardho.[Masawir]

June 14, 2015 - Written by Editor

IMG_0050Qardho:-Boqorka ayaa saaka kasoo ambabaxay caasumada Puntland ee Garoowe wuxuuna socdaal ku soo maray Degmada Dangorayo iyo deegaano kale oo u dhexeeya Garoowe iyo Qardho dhamaan deegaanada uu soo maray boqorka waxaa ku soo dhowaynayay Bulsho aad u fara badan oo sita Caleemo qooyan iyo Boorar uu ku sawrianyahay Boqorka.

Boqor Burhaam Boqor Muuse ayaa markii dambe soo gaaray magaalada Qardho waxaana si wayn u soo dhoweeyay Issimada, odayaasha Maamulka gobolka iyo kan degmada, dhalinyaro, Haween, Aqoon yahano, ganacsato iyo waxgarad  kale, waxaana boqorka bulshada reer qardho ay uga hortageen duleedka magaalada.

Boqorka ayaa waxaa loo soo galbiyay hoygiisa magaalada Qardho, halkaas oo uu saxaafada kula hadlay ayaa waxa uu u mahad celiyay dhamaan dadkii soo dhoweeyay wuxuuna sheegay inay reer Qardho ay dhaqan u leeyihiin soo dhowaynta, Boqorka ayaa sidoo kale ku baaqay in la soo dhoweeyo lana taageero dhamaan shacabka ka soo barakacay dagaalada dalka Yeman, wuxuuna hadalkiisa ku soo koobay mahad celin iyo salaan wuxuuna sheegay inuu dib u dhiganayo wixii warbixino ah oo uu kaga warbixinayo safaradiisa.

Issimadii iyo Odayaashii soo dhoweeyay boqorka ayaa dhankooda sheegay inay aad u soo dhowaynayaan boqorka imaashiyihiisa magaalada Qardhana ayna  farax galinayso.

no images were found

Halgan.net 

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online