Dagaal u dhexeeya Ciidamada DFS iyo kuw Ahlusunna oo a socda Degmada Dhuusamareeb

June 7, 2015 - Written by Editor

ahlusuna-saxDhuusamareeb :-Wararka ka imaanaya Degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in uu halkaa ka soconayo Dagaal u dhexeeya Ciidamada DFS iyo kuw la baxay Ahlusunna ee Suufiyada waxaana dagaalka soo qaaday ciidanka Suufiyada .

Dagaalka culus ayaa waxaa uu ka socdaa qeybo ka mid ah Degmada Dhuusamareeb waxaana inta badan ku sugan xaafadaha muhiimka ah ciidanka Suufiyada .

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya Degmada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu wali ka soconayo Dagaal u dhexeeya Ciidamada Ahlusunna ee Suufiyada iyo kuwa DFS waxaana dagaalka xoogiisa ka socdaa xaafada Dayax.

Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud ayaa isha ka daawanaya dagaalka ka socda gudaha Degmada Dhuusamareeb .

Ilaa hada lama oga Khasaaraha ka dhashay Dagaalka u dhexeeya labada dhinaca waxaa xiran dhamaan goobaha ganacsiga.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online