Dawradii 4 ee xifdul mutuun oo ka bilaabatay Markiska Imaamu shaafici Burco.[Masawiro]

June 27, 2015 - Written by Editor

20150627_090632Burco:-Markiska Alimaamu shaafici ee Burco waxaa saaka ka bilowday xafaladii furitaanka Dawradii xifdul Mutuun Dawradan oo ah dawradii 4aad ee barashada kutubta yaryar oo halku dhigeedu ahaa Aqoontu waa ta ku qoran laabaha ee ma’aha ta ku qoran waraaqaha. (العلم في الصّدور لا في السّطور). Dawradan waxaa soo qabaqaabisay Mu’asasada Alkaram ee dacwadda iyo Horumarinta Gobolka Togdheer,waxaa maal gelisay Shirkada TELESOM.

Dawradan ugu horayn waxaa ka hadlay Maamulaha Mua’asasada Al-karam ee Burco Sheekh. Saleebaan Diiriye wuxuu iftimiyey dowrka ay Mu’ssadda Al-karam ku leedahay dacwada ,wacyi gelinta, iyo horumarinta gobolka Togdheer, iyo sida hagar la’aanta ah ee ay ugu taagan tahay in bulshada laga saaro jahliga lana baro waajibaadka Alle saaray.

Dhinaca kale wuxuu Gudoomiyuhu aad ugu mahad celiyey shirkada Telesom oo sanad walba maalgelisa dawradan inta badana gobolka ka caawisa dhinacyo badan.

Waxaa isna halkaas ka hadlay Diktoor sh, xasan cali warsame oo ka mida ducaada waaweyn ee gobolka wuxuu aad ugu mahad celiyey mu’asasada Alkaram iyo shirkada Telesom iyo dhamaan dadkii soo qaban qaabiyey dawradan.

Maamulaha machadka Imaamu Shaafici Sheekh.Yuusuf Maxamud Diriye oo isna kelmed ka jeeediyey xaflada furitaanka dawrada 4 ee xifdul mutuun wuxuu aad ugu baraarujiyey ardayda inay ka faa’iidey staan dawradaan iyo dawrooyinka kale ee lagu qabanayo Masaajidada iyo Madaarisyadaba.

Ugu danbayn waxaa soo gunaanaday Madaxa suuqgeynta ee shirkada telesom Sh.Cali Mahdi Ismail wuxuu aad uga hadlay dawrka ay dhalinyaradu ku lee yihiin mustaqbalka ummadda, maadaaba ay ardaydu yihiin jiilashii dhaxlayey masiirka ummada, madaxdii iyo culimadii berito.

Wuxu shiikhu tilmaamay in loo baahan yahay in si mug leh looga fekero tayayanta u badka loona sameeyo dariiqooyinka ugu fudud uguna kooban ee lagu gaadhsiin karo Aqoonta iyadoo laga faa’iidey sanayo Imkaaniyaadka la haysto.

no images were found

Mua’asasada Alkaram
Burco,Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online