Dowro Sharci ah oo lagu qabtay magaalada Cabudwaaq (Masawiro)
June 14, 2015 - Written by EditorCabudwaaq:-Waxaa maalintii jimcada ahayd ee 12/06/2015 lagu soo gabagabeeyay magaalada cabudwaaq ee gobolka galgagaduud dowro sharci ah oo socotay mudo usbuuc ah.Dowradaan oo lagu qabtay si isku mid ah magaalooyinka cabudwaaq, balanbale, iyo dhabat, ayaa waxaa lagu baranaayay 5 kitaab oo kala duwan.
1: Soonka iyo axkaamtiisa
2:Axaadiis ka hadlaayay xaaraantinimada dhiiga Muslimka ah
3: Gabay ka hadlaayay zuhdiga iyo in allah loo go,o
4: Usuulu fiqi
5: Caqiido
Waxaana dowradaan soo qabanqaabiyay mu,asasada al-raxmah oo ah mu,asaso dacwada iyo horumarinta ka shaqeeso oo deegaamada ka howlgasho waxayna kaashanaysay gudiga dacwada ee waqooyiga galgaduud.
Ayadoo ay ka faa,iidaysteen arday dhan 200 oo arday ayaa waxaa dowraadaa bixinaayay culimo ka kala yimid muqdisho iyo gaalkacyo oo kala ah sh. Maxamed aadan cabdile, iyo sh. c/risaaq warsame fiqi, waxaa kaloo qayb ka ahaa culimada duruusta culimo deegaanka ah oo uu ka mid yahay sh. c/lahi bashiir ciise.
Dowradaan oo ahayd tii labaad oo la qabto ayaa waxaa loogu magac daray dowrada imaamu shaafici, waxayna baxday midii ka horaysay sanad ka hor xiligan oo kale.
no images were found
Dowrada oo loo sameeyay furitaankeeda xaflad balaaran ayaa waxaa ka soo qaybgalay odayaasha deegaanka oo aad u soo dhaweeyay dowrada noocaan oo kala ah, waxayna culimada ku amaaneen in dowraadka noocaan oo kala ah ay joogteeyaan, sidoo kale culimada deegaanka oo hadashay ayaa waxaa ay sheegtay in ay si joogta ah u qaban doonaan dowraadka noocaan oo kale ah oo ay waliba ku dadaali doonaan in ay ka badiyaan sanadkii halka mar ee hada la qabto.
HALGAN.NET
CABUD WAAQ