Dufcadii 13 aad oo ka qalin jabisay Dugsiga sare ee Sh. Cusmaan oo Xaflada qalin jabin ah loo qabtay.[Masawiro]

June 14, 2015 - Written by Editor

IMG_9755Qardho:-Munaasabadan loo qabtay 90 ka arday ee ka qalin jabisay Dugsiga sare ee Sh. Cusmaan Qardho ayaa waxaa lagu casuumay Maamulka Gobolka kan Degmada, Masuuliyiinta Waxbarashada Degmada, Maamulka Jaamacada Bariga Africa Qardho, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Gudiga waalidiinta Iskuulka, Qaar kamid ah ardayda wax ka barata dugsiyada sare ee Magaalada, Waalidiin, Arday, iyo Marti sharaf kale.

Maamule ku xigeenka Dugsiga C/xaafid Bilaal Cabdow ayaa ka waramay taariikhda dugsiga wuxuuna sheegay in dugsigan la furay xiligii dowladii Maxamed Siyaad Bare uuna kamid ahaa dugsiyada fara kutiriska ah ee ka jira soomaaliyo xiligaa, mudadii uu jiray dugsiga waxaa waxbarshada dugsiga sare looga soo doonan jiray Qaar ka mid gobolada soomaaliya sida Bari, Nugaal, Sool, Sanaag, iyo Mudug.

Qaybo ka mid ah, markii ay dhacday dowladii dhexe waxaa hakad ku yimi waxbarashadii dugsiga oo waxa uu xirnaa mudo kooban haddana waxaa dib loo furay sanadka markuu ahaa 1998 ilaa haddana waxa uu u adeegaa bulshada, mudadii hadda uu furnaa waxaa ka qalin jabisay 13 dufcadood oo ay ku jirto tan maanta xafladeeda la joogo, dugsiga waxa uu ka mid yahay dugsiyada ugu sareeya Puntland taa ayaana ku tusi naysa sida uu uga muuqdo imtixaanaadka shahaadiga ah ee dowlada Puntland ay qaado, sanadkii hada aynu soo dhaafnay.

Dugsiga xaga Iskuulaadka waxa uu galay kaalinta labaad, saddexdii arday ugu saraysayna waxa uu ku lahaa ardayga ugu sareeyay iyo ardaga sadexaad oo gabar ahayd, dugsiga ayaa kaalin wayn ka qaata Horumarka magaalada waxaana wax ka barta ardayda ugu badan magaalada.

Gudoomiyaha gobolka karkaar C/quraan Maxamed Aadan, iyo Kusimaha Duqa degmada Qardho ahna kuxigeenkiisa Burhaan Xaaji C.raxmaan oo sidoo kale kamid ahaa macalimiintii wax kasoo dhigtay dugsiga haddana ah masuuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in maanta wax lagu farxo ay tahay in dugsiga gacanta ay ku hayaan oo maamul iyo macalimiin ba ay ka yihiin ardaydiisa.

Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Africa Qardho Sh. Cali Maxmed Cali oo Munaasabada ka hadlay ayaa ardayda ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen waxaana uu ku booriyay inay waxbarashadooda sii wataan oo waqtigooda ka faa’iidaystaan, ardaygii heli kara waxbarasho dibada ah inuu waxbarashadiisa sii wato kan aan helina uusan dayicin waqtigiisa oo uu ka faa’iidaysto jaamacadaha dalka oo la oran karo way ka horumarsanyihiin jaamacadaha qaar oo dibada loo aado.

Dhamaan marti sharaftii kasoo qaybgashay xaflada ee Cod baahiyaha lagu soo dhoweeyay ayaa aad u amaanay dugsiga Sh. Cusmaan oo ay wax ka bartaan in ka badan 1000 arday, waxayna sheegeen in dugsiga ardayda ka soo baxda ay yihiin arday tayadooda waxbarsho aad u fiican.

Gudoonka waxbarashada degmada Qardho Siciid Maxamed Faahiye ayaa dhankiisa ardayda ku booriyay inaysan waqtigooda dayicin oo ay ka faa’iidaystaan, wuxuuna dhamaan ardayda u rajeeyay inay natiijo fiican ka keenaan imtixaanaadkii shahaadiga ahaa oo 15/6/2015 ay sixi diisu ka bilaaban doonto magaalada Garoowe ee Caasumada Dowlada Puntland.

Gabagabadii munaasabada waxaa la xusay oo abaalmarino lagudoonsiiyay Ardydii kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Dugsiga waxaana abaalmarinta si wadajira ah ardayda u gudoon siiyay Gudoomiyaha Gobolka karkaar, kusimaha Duqa Degmada, Maamulka waxbarashada, Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Africa Qardho, Siyaasi Yaasiin Cumar dheere, iyo Maamulka Dugsiga.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online