Guddoomiyaha Baarlamaanka oo si rasmi ah Cadaado uga furay Kalfdhiga Baarlamaanka Gal-mudug [Masawriro]

June 22, 2015 - Written by Editor

DSC05319Cadaado:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cusmaan “Jawaari” ayaa magaalada Cadaado uga qeybgalay Munaasabad lagu dhaarinayey Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug oo ka kooban gobollada Mudug iyo Gal-gaduud.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Cadaado waxaa kale oo kasoo qeybgalay ku dhowaad wasiir, in ka badan 30 Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, odayaal dhaqameedyada soo xulay Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug,musharaxiinta u tartamaya Madaxweynaha maamulka, guddiga farsamada iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha guddiga farsamada maamul u sameynta gobollada dhexe Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) oo munaasbadda ka jeedisay khudbad ay ku faah faahineysay marxaladihii kala gedisnaa ee uu soo maray dhismaha maamulkan waxaana ay xustay in guddiga farsamada ay guul weyn u tahay iney soo gebagebaayaan howshii loo xil saartay oo xilka ay ku wareejiyaan Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dowladda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Odawaa oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa xusay in Wasaaradda Arrimaa gudaha ay aad ugu faraxsan tahay guusha maanta laga gaaray dhismaha maamulka gobollada Mudug iyo Galgaduud wixii hada ka dambeeyana ay Wasaaraddu usoo jeesan doonto dhismaha gobollada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan, waxaana u u mahad celiyey maamullada Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug oo heshiiskii ay Muqdisho ku saxiixdeen lagu dhisay maamulkan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo jeediyey khudbaddii ugu dambeysay ee Munaasabadda ayaa ugu horeyn ku dhawaaqay in uu si rasmi ah u furan yahay Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug waxaana uu dhanka kale tilmaamay in ay farxad weyn u tahay in maanta uu si rasmi ah u dhaqan galay istiraatiijiyad lagu dhisayo dowlad goboleedyada dalka oo horey loogu dejiyey gobollada Koonfur Galbeed oo aanay meel marin balse maanta laga hirgeliyey gobollada Dhexe.

Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah loo dhaariyey intooda badan waxaana ay durbaba guddoon KMG ah u doorteen Xildhibaanka ugu da’da weyn oo noqday Xildhibaan C/laahi Xaashi Warsame waxaana ay maalmaha soo socda dooran doonaan Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ee gobollada Mudug iyo Galgaduud.

no images were found

—-DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online