Gudiga gurmada qaxootiga Yemen ee Muqdisho oo 50.000 doolar ku wareejiyey culimada iyo gudiga gurmadka Boosaaso.[Masawiro]

June 14, 2015 - Written by Editor

٢٠١٥٠٦١٤_١١١٤٢٣Boosaaso:-Munaasabad  lagu wareejinayey deeqdaan lacageed  oo lagu   qabtay xafiiska guud ee mu’asasada al-minhaaj  ayaa  ugu horayntii waxaa  ka hadlay Sh. Maxamed Macalin Axmed oo ka mid ah culimada soomaaliyeed wuxuuna tilmaamay in guddiga badbaadinta qaxootiga Yemen ee Muqdisho ay soo gaarsiiyeen lacag dhan 50,000$ ( konton kun oo doolar) ,oo ay ugu talagaleen in lagu gargaaro qaxootiga Yemen ka soo qaxaya ee tabaalaysan  ayna ku wareejinayaan gudiga u xilsaaran gurmadka qaxootiga Yemen ee Puntland.

Sh.Maxamed Macalin  ayaan uga mahad celiyey gudiga badbaadin qaxootiga magaalada Muqdisho ee uu hormuudka u yihiin Culimada Sh.Nuur Baaruud iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad. Deeqdaan lacageed oo ay soo gaarsiiyeen Gudiga taakulaynta Qaxootiga dalka Yemen iyo Culimada Puntland , wuxuuna tilmaamay in deeqadani ay tilmaan wayn u tahay midowga ,isku danqashada  iyo walaaltinimada umada soomaaliyeed loona baahan yahay in la sii laba jibaaro .

Sheekha oo hadalkiisa sii wata  ayaa  waxa uu  ugu baaqay Madaxda Dowlada federalka Soomaaliya ah in ay kaalintooda ka  qaataan u gargaarida  qaxootiga taabaalaysan ee kasoo qulqulaya dalka Yemen iyaguna mas’uulka  yihiin lagana sugayo masuuliyadoodii  in ay ka soo baxaan.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha mu’asasada alminhaaj  Maxamed C/laahi C/lle  oo ugu horayntii uga mahad celiyey gudiga bad baadinta qaxootiga soomaaliyeed ee Muqdisho lacagtaan ay soo gaarsiiyey culimada iyo gudiga gurmadka ee Boosaaso, isagoo  aad ugu bogaadiyey  juhdiga ay bixi nayaan  ee ku aadan u gurmadka qaxootiga  Yemen ka soo qaxaya.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa  balan qaaday in dadaalka u gurmadka dadka qaxootiga ah ay sii wadayaan mar walbana u heelan yihiin garab istaaga dadka tabaalaysan. In taas ka dib waxa la gudo galay wareejintii lacagta waxaana lacagta oo  dhamayd 50,000$ oo kaash ah lagu wareejiyey gudoomiyaha gudiga gurmadka qaxootiga Yemen heer Puntland , Sh Axmed Yuusuf Daad.

Gaba gabadii  munaasabada  ayaa waxaa soo xiray gudoomiyaha gudiga gurmadka qaxootiga yemen Sh Axmed yuusuf daad wuxuuna uga mahad celiyey gudi bad baadinta qaxootiga soomaaliyeed ee Muqisho deeqdaan ay soo gaarsiiyeen.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay ilaa hadda in ay soo gaareen dekkeda Boosaaso dad ku dhow 16000 kun oo qof. Xeradaana hadda ay ku jiraan dad gaaraya 2000  oo qof , lacagtaana ay rari karto 600 oo qof .

Ugu danbayntii ayaa Sh Axmed Yuusuf Daad u duceeyey dhamaan dadka soomaaliyeed ee wax ku bixiyey u gargaarida walaalohooda soomaaliyeed , tilmaamayna wali in ay arrintu tahay faanoole fari kama qodna.

no images were found

Mu’ssadda Al-minhaaj
Boosaaso, Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online