Habeenkii raage W/Q Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim (Abu Xasaan)
June 16, 2015 - Written by EditorTixda ay ka mid yihiin meerisyadan caanka ah ee soo socda waxaa tiriyay abwaanka caanka ah ee Raage Ugaas ,wuxuuna ugu baroordiiqay ooridiisii oo libaax qaatay sida la sheegay iyada oo gudoodi u soo aheyd dhinaca reerkeeda, kana soo noqotay socdaal ay reerkoodii ku aadday. Sida tixdan ka muuqatana aad bay qalbigiisa ugu weyneyd, jaceyl uu qarsan waayayna wuu u qabay.
Raage tixdan wuxuu ku muujiyay dareenkii ay geerida afadiisu ku dhalisay,wuxuna si faahfaasan u muujiyay mashaqadii la mariyay habeenkii uu warka naxdinta leh soo gaadhay,wuxuuna si qoto dheer u soo bandhigay in hammigii geeridaasi ku abuuray uu dhaafay isla hadal, murugo dahsoon iyo hoos u oy, wuxuuna tixdan ku tilmaamay inuu dareenkiisa hanan waayay, laxawgii geeriduna uu baday in reeruhu hiinraaggii ka soo baxayay la ladi waayaan.
Goohii ka soo baxayay habeenkaas iyo miraadkiisii wuxuu ku shaabahay codad badan oo aad u dhaadheer oo waliba kala jaad jaad ah; si uu u muujiyo in meelo fogfog laga soo maqlayay, meelaha dhowdhowna jiif iyo joogba laga qaban waayay, isaga oo arrintaas sawirayana wuxuu yidhi :
• Sida koorta Yucub oo la sudhay, korommo buubaal ah
Dhawaaqii ka soo baxayay sida uu u xidhiidhsanaa ee uu waliba u ahaa mid dhagaha xanuujinaya wuxuu ku tilmaamay inuu la mid ahaa sida kooro yucub ah oo la sudhay korammo buubaal ah. Marka hore koortu waa yucub oo kooraha kale ka jabaq dheer, marka xigana hal koor ma aha ee waa kooro badan, marka xigana waxa ay sudhanyihiin hal koran ma aha ee waa korammo badan, mar kalena korammadu ma aha kuwo hayin ah oo shanqadh yar ee waa kuwo buubaal ah oo mar walba koorohoodu dhalawleynayaan oo aan dhawaaqooda laga joogi karin.
Marka aad muuqaalkaas dhuuxdo waxaad mooddaa inaad danankii koorahaas ka soo baxayay iyo dhawaaqoodii maqleyso, sidoo kale waxaad mooddaa inaad maqasho gurdankii iyo durduradii koramadaas buubaalka ah, wuxuuna ka dhigay siinaariyo filin ah oo aan aheyn labo shay oo la isku shaabahay kaliya, isu ekeysiinta noocan ahna waxaa suugaanta carbeed lagu tilmaamaa inay tahay isu ekeysiin la isku rakkibay oo ka kooban waxyaabo badan oo sameynaya muuqaal guud
• Ama geel ka reeb ah oo nirgaha, laga kaxaynaayo
Markanna wuxuu talalkii ka soo baxayay ku shaabahay ololka, reenka iyo qaylada ka soo baxaysa geel ka-reeb ah oo nirgihii laga kaxaynayo, wuxuuna inoo sawiray nirgo yuusaya, halihii dhalay oo u ololaya iyo geeljirihii oo laftiisu aan qaylo la’aan aheyn oo malaha midba midka kale u dhawaaqayo inta ay geela iyo nirgaha kala soocayaan ama kala kaxeynayaan, guud ahaanna waxaad mooddaa inaad muuqaalkaas daawaneyso ama aad maqleyo sawaxankii halkaas ka dhacayay.
• Ama beelo keynaan ah, oo kor u hayaamaaya
Markanna wuxuu hugunkii ka soo baxayay habeenkaas u ekeysiiyay beelo badan oo xoolohooodii oo dhan la kaynaanaya oo shanqadha ka soo baxaysa aan loo fadhiyi Karin; maxaa yeelay hal beel kaliya ma aha waxa uu ka hadlayo ee waa beelo badan, beeluhuna ma aha kuwo nagi ee waa kuwo socdaal dheer ku jira oo kaynaan ah. Meeshana waxaa maraya wixii xoolo ahaa ee beelahaasi lahaayeen oo dhan : geel, lo’, adhi iyo gammaan. Sidoo kale waxaa socda dadkii, yaryar iyo waaweynba. Haddii aad muuqaalkaas dheehatana waxaad mooddaa inaad yoonkii iyo yulqankii dadka, oohintii dhallaanka, ololkii geela. cidii lo’da iyo adhiga iyo danankii fardaha maqleyso.
• Ama ceel karkaarrada jebshiyo, webi karaar dhaafay
Markanna gurxankiisii wuxuu ku shaabahay ceel buux dhaafay oo kakaarradii jabsaday oo biyihiisii fateheen oo ay sida togii rogmanayaan, ama wabi karaar dhaafay, marka aad sawirkaas u fiirsatana waxaad mooddaa inaad guuxii, gurxankii iyo hugunkii biyahaas maqlayso .
• Ama habar kurkii iyo wadnaha, lagaga kaw siiyay
Sidoo kale kololo’iisii habeenkaas iyo wixii la mariyay wuxuu u ekeysiiyay habar nabarro adag loo geystay oo kurka iyo wadnahaba lagu dhuftay oo qaylada samada ku toleysa, aadna u uubateyneysa oo in laga seexdo iska daaye aan cabaadkeeda wax yar la xammili karin.
Ama kaal danley qaybsatiyo, kur iyo dhal yaabis
Markanna yoonkii ka soo baxayay wuxuu ku shabbahay qaylada iyo muranka codka dheer ee ka soo baxaya dad sabool ah oo qaybsanaya cunto aan ku filleyn oo mid waliba is leeyahay armaad adigu qaddaa.
• Ama koox arda ah oo quraan kaatibka u toostay
Markanna wuxuu codkii dheeraa ee habeenkaas ka soo baxayay ku shabbahay koox ardo ah oo saqdii dhexe quraan u toostay oo mid waliba intii codkiisu gaadho uu quraanka kor u akhriyayo, sida kuu muuqatana waa codad isku qulban oo in la wada dhageystaa ay adagtahay; maxaa yeelay arday walba meel gaar ah ayuu akhiyayaa ama yeedhsanayaa.
• Ama kadin adhi ah oo waxar kidaadaayo
Markanna jibaadkii ka soo baxayay wuxuu ku shabbahay xero adhi ah oo orgi ku laaqinayo riyihiina u diiddanyahay inay ka nastaan ama ka seexdaan, orgiga laaqinayana waxaa laga soo maqlaa masaafooyin aad u fog.
• Shinni kaaluf galay ama siddii, koronkoroo oontay
Markanna buuqii ka soo baxayay wuxuu ku shabbahay shinni xaaladdu ku xuntahay oo guuxeeda meel fog laga soo maqlayo ama koronkoro oontay oo iyaduna aan sidoo kale shanqadh yareyn, ka dibna wuxuu tilmaamay in sida waxyaabahaas kala duwan ee codadka ka soo baxayaa ay aadka u dheeryihiin aan looga seexan karin in isna reeruhu habeenkaas ka seexan waayeen inuu isagu seexdo iskaba daaye,wuxuuna yidhi:
• Xalay kololo’aygii ma ladin, kaamil reeruhuye
Habeenkaas ma hadhada reebay ee Raage sawiray haddii aan barbar dhigno habeenno kale oo ay rag gabyaa carbeed ahi sawireen oo maahmaah ama halkudhag noqday waxaa inoo soo baxeysa in qaabka Raage habeennadaas ka dhib badnaa sida uu sawirayna aad uga xeel dheertahay sida ay gabyaaga carbeed wax u cabbireen..
Habeenka sida badanba la xuso ee ku caanbaxay suugaanta carbeed waa habeenkii Naabiqa Al-dubyaani, waxaana la dhahaa qofkaasi habeenkii Naabiqa ayuu xalay ku baryay. Habeenkaas laba si oo kala duwan ayuu Naabiqa gabaygiisa ugu cabbiray: mar wuxuu yidhi :
كليني لهمٍ ، يا أميمة َ ، ناصبِ ، و ليلٍ أقاسيهِ ، بطيءِ الكواكبِ
تطاولَ حتى قلتُ ليسَ بمنقضٍ ، و ليسَ الذي يرعى النجومَ بآيبِ
و صدرٍ أراحَ الليلُ عازبَ همهِ ، تضاعَفَ فيه الحزْنُ من كلّ جانبِ
Sida hadalkiisa ka muuqatana wuxuu ka calaacalay habeenka dheeraantiisa,wuxuuna tilmaamay in sida uu ugu dheeraaday darteed uu is yidhi malaha maba dhammaan doono, waxa soo jeedka keenayna wuxuu ku sheegay warwarkii iyo murugadii haysay oo sababkeedu ahaa cabsi uu ka qabay Qassaaniyiintii reer Shaam oo uu agtooda qaxooti ku ahaa .
Mar kalena wuxuu yidhi :
فبت كأني ساورتني ضئيلة من الرُّقْشِ في أنيابها السم ناقع
يُسَّهد من ليل التمام سليمها لحلي النساء في يديه قعاقع
تناذرها الراقون من سوء سمها تراسلهم طوراً وطوراً تراحع
Markanna wuxuu sheegay in waagu soo jeed galac ugu yidhi oo uu ahaa sidii nin abeeso gaamurtay oo halis ahi qaniintay oo tufmo iyo farsamo kaleba lagala quustay, sida muuqatana waxaa soo jeedkaas sabab ugu ahaa naxdin iyo cabsi ka haysay boqorkii Nucmaan Ibn Mundir oo uu mar hore ka baxsaday isaga oo ka yaabbanaa inuu dilo oo uu markan u soo noqday, labada jeerbana sida kuu muuqata waxa uu ka cawday waa soojeed kaliya iyo inuu isagu ladi waayay laxawga hayay aawadii.
Sidoo kale waxaa isna caan baxay habeenkii Imru’ul qays, waana kii lahaa :
وليل كموج البحر أرخى سدولهُ عليَّ بأنواع الهموم ليبتلي
فَقُلْتُ لَهُ لما تَمَطّى بصلبه وأردَف أعجازاً وناءَ بكلْكلِ
ألا أيّها اللّيلُ الطّويلُ ألا انْجَلي بصُبْحٍ وما الإصْباحَ مِنك بأمثَلِ
فيا لكَ من ليلْ كأنَّ نجومهُ بكل مغار الفتل شدت بيذبلِ
كأن الثريا علِّقت في مصامها بأمْراسِ كتّانٍ إلى صُمّ جَندَلِ
Wuxuu isna ka calaacalay in habeenku ku dheeraaday oo uu waagii tiigsaday hurda la’aantii ku dhacday darteed iyo hammigii iyo murugadii saarneyd, wuxuuna tilmaamay in xiddigihii cirkuba dhaqaaqi waayeen oo uu mooday in xadhko adag lagu xidhxidhay, wuxuuna yidhi : habeenyohow dheeri i dhaaf waad i dhibtoo, dharaartuna iima kaa dhaantee.
Habka ay labada gabyaa habeennadii soo maray u cabbireen waxba kuma kala duwana, waxayna wada sheegeen in habeenkii ku dheeraaday, ayna gami’ waayeen murogo ama cabsi ay dareemayeen aawadeed.
Tacbiirkaas iyo midkii Raage markaan isu eegno waxaa muuqata inay aad u kala xeel dheeryihiin, haba jirto inay soo-jeedka wadaagaane, arrintaasna waxaa inoo iftiimin doona qodobbadan soo socda:
. Raage wuu la wadaagaa labada gabyaaba soojeedka iyo murugada ay ka caalaceen.
. Raage wuxuu tilmaamay in hammiga iyo murugada iyo soo jeedka uu u weheliyay baxaa-dag kale oo gooh iyo dhawaaq wata, waaguna sidaas ugu baryay, codkii murugda lahaa ee ka soo baxayayna wuxuu ku shabbahay codad badan oo aad u dhaadheer.
. Sidoo kale Raage kaligiis ma soojeedin ee reerihii aagga ka dhowaa oo dhan wuxuu sheegay in ay rafaadkii haystay iyo yolo’ii ka soo baxayay la ladi waayeen, sidaas macneheeduna waxaa weeye: isna ma seexan, lagamana seexan, halka gabyaaga kale ayna sheegin in laga seexan waayay .
. sababka keenay soo-jeedka ee raage ka hadlay wuu ka duwanyahay midka ay gabyaaga kale ka hadleen, isagu cabsi lama seexan waayin ee wuxuu la gami’ waayay tiiraanyo uga timid xaaskiisii ka geeriyootay,waxaana ka muuqata inuu xanuunkii arrintaas ka soo gaadhay la saaqdoomay oo uu gaadhay xilli uu dareenkiisa xukumi waayo oo uuna garaneynin waxa afkiisa ka soo baxaya ,halka labada gabyaa ee kale aan dareenkoodu xadkaas gaadhin .
Arrimahaas iyo kuwo kaleba waxay ina tusinayaan in habeenkii Raage ka dhib iyo mashaqo badnaa habeennada ay gabyaaga kale ka sheekeeyeen ama ka calaacaleen; sidaas darteed waxaan qiyaasayaa in haddii suugaanyahanka carbeed ay ogaan lahaayeen habeenka Raage sawiray ay qiri lahaayeen xaqiiqada aan soo sheegnay, ee ah in sawirka raage ka xeel dheeryahay midka ay ragga kale sawireen, qofkii habeen adag soo marana ay dhihi lahaayeen waxaa soo maray habeenkii Raage.
Arrintaasina waxay daliil u tahay in gabyaaga soomaaliyeed uu baac dheer ku leeyahay suugaanta dunida loona baahanyahay in gabayadooda loo tarjumo luqado badan si looga wada faa’iideysto.
Xasan maxamad ibraahim
Xasanyare@msn.com