Hay’ada Tadaamun oo deeq Raashiin ah gaarsiisay Qaxootiga Yemaniyiinta Qardho.[Masawiro]

June 29, 2015 - Written by Editor

IMG_0427Qardho:-Hay’ada Tadaamud ayaa waxaa ay deeq raashiin ah soo gaarsiisay qoxootiga Yemaniyiinta ee ku dhaqan magaalada Qardho iyo weliba Agoomaha Iskuulka Daarul Xanaan Qardho. Deeqdan ayaa ka timid Dowlada Turkiya, waxayna ahayd mid ka kooban Qayabaha kala duwan ee Raashiinka Sida Bur Bariis Sonkor, Saliid iyo timir.

Masuul kasocday Hay’ada Tadaamun ayaa ugu horayn ka hadlay goobtii lagu bixinayay Raashiinkan wuxuuna sheegay in Raashiinkan uu kayimi Dowlada Turkiya looguna talagalay 200 oo qoys oo qoxootiga Yamaniyiinta ah iyo 100 kamid ah agoomaha Kuleejka Daarul Xanaan Qardho.

Qoxootiga Yamaniyiinta ee deeqda lasoo gaarsiiyay ayaa dhankooda ka mahadceliyay deeqdan katimi Walaalahooda Turkiya waxayna sidoo kale ka codsadeen inay u baahanyihiin adeegyada asaasiga ah ee bulshada sida waxbarasho iyo caafimaad

C.qaadir Yaasiin Maxamed oo ah madaxa goobta ay deganyihiin qoxootiga ayaa dhankiisa ka mahad celiyay raashiinkan lasoo gaarsiiyay sidoo kalena Xusay inay jiraan Baahiyo kale oo ay qabaan qoxootiga ee kugsugan Qardho.

Masuuliyiintii kasoctay Dowlada Turkiga ayaa dhankood sheegay inay dadka soomaalida iyo Yamani yiintaba ay walaalahooda yihiin sidaa daraadeed dhibta halkan ka jirta ee haysata  dadka Yamaniyiiinta ah ay u gudbin doonaan shacabka Turkiya iyo dowladooda uu hormuudka u yahay madaxweyne Rajab Dayib Ordagan.

Ma’ahan markii ugu horaysay oo qoxootiga Yamaniyiiinta lasoo gaarsiiyo Raashiin Noocaan oo kala ah waxaa is daba jooga ah gurmadka loo fidinayo shacabka kasoo barakacay dagaalada Dalka Yeman.

no images were found


Halgan.net

 

Leave a comment

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online