Hay’adda Haro oo deeq dhan 20,000 kun ugu deeqday Qaxootiga ka soo Yimid dalka Yemen[Masawiro]

June 19, 2015 - Written by Editor

IMG_5144Boosaaso:-Hay’adda Humanitarian African Relief Organization(Haro) ee fadhigeedu yahay dalka Maraykan ayaa maalintii shalay oo Taariikhdu ahayd 18-06-2015 ku wareejisay culumada , Mu’assada Al Minhaaj Puntland deeq lacageed oo dhan 20,000 oo doolar taasi oo ay uga qayb-qaadanayaan Gurmadka Qaxootiga ka soocaray Dagaalka ka socda dalka Yemen.

Munaasabada deeqadan  lacageed loogu wareejinaayay culumada iyo Gudiga Qaxootiga Yemen oo lagu qabtay  Xafiiska Mu’assada Al -Minhaaj  ee Bosaso Waxaa Ka qaybgalay  qaar kamid ah culumada , Maamulka Mu’asasada Alminhaaj,Gudiga  Gurmadka Qaxootiga ka sooqaxay Dagaalada Yemen  Iyo Wakiilka Hay’adda ku deeqaday Lacagtan ee Humanitarian African Relief Organization(Haro)

 Wakiilka Hay’adda Humanitarian African Relief Organization(Haro) Yaasin Cabdulaahi Cali oo daah furay  munaasabada  ayaa sheegay in Hay’adda Haro ay howshaan u istaagtay markii ay arkeen dhibaatada haysata walaalahooda kasoo qaxay dagaalka ka socda dalka Yemen ee soogaaray Puntland

“Haro oo ah Hay’adda Samafal  oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa markii ay arkeen  Walaalahood dhibka haysta , waxa ay u istaageen in wax ka aruuriyaan walaalahood ay wax ka aruurin jiren, si ay uga qaybqaataan dhibka meesha yaala “ Ayuu yiri Yaasiin Cabdulaahi Cali 

Sheekh Daahir Aw- Cabdi  oo Kamid Culamad Soomaaliyeed Ayaa  Eebe uga baryay madaxda hay’ada Haro iyo cida ay lacagatani ka soo aruuriyeen in uu Eebe ka waraabiyo Janadiisa fardowso , maalkoodana u barakeeyo.

Gudoomiyah Mu’asada Al Minhaaj Maxamed Cabdulaahi  oo kamid ahaa masuuliyiintii ka hadashay Xafladan ayaa ku amaanay maamulkaa iyo Shaqaalaha hay’ada Haro Xilkasnimo ,Karti ,iyo Amaano

“Maamulka Haro Waxaan ku naqaanaa Xilkasnimo,Karti iyo Hufnaan,anaguna waxaan maanta qiraynaa lacagtaasi in uu nasoogaarsiiyay wakiilka hay’ada Haro ee Puntland,kuna wareejin doono Gudiga Gurmadka Qaxootiga Yamen, Waxaana u cadaynaynaa cidii dhaqaalahaasi lagasooqaaday in nasoogaartay “

Intaa Ka dib wakiilka Haro Yaasin Cabdulaahi Cali waxa uu ku wareejiyay deeqdii lacageed maamulka Mu’asasada Al-minhaaj oo ay horkacayaan culimada , oo iyaguna isla markiiba ku wareejiyay Gudoomiyaha Gudiga gurmadka Sh Axmed Yuusuf Daad.

Gudoomiyha Gudiga Gurmaraka Qaxootiga Kasoo Qaxay Dagaalka Yamen Sheekh Axmed Yusuf Daad oo gabagabadii xaflada ka hadlay ayaa xusay in deqdani aysan ahayn tii ugu horaysay ay hay’ada Haro soogaarsiiso culumada ,  ayna ka filaayaan in aysan noqon tii ugu danbaysay ee ay soogaarsiiyeen

Deeqdan ayaa kamid ah deeqo kaladuwan oo ay soogaarsiinaayaa Gudiga Gurmadka Qaxootiga Yemen iyo Culumada Shacabka soomaaliyeed kuwaasi oo ku nool gudaha dalka iyo dibadiisa , looguna tala galay in lagu caawiyo qaxootiga isugu jira Soomaalida iyo Ajaaniibta ee soogaaray deegaanada Puntland.

no images were found


 Mu’ssadda Al-minhaaj
Boosaaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online