Hey’addaha Ammaanka oo ka warbixiyay weerarkii saaka ka dhacay Muqdisho

June 21, 2015 - Written by Editor

6Muqdisho:-Wasaarada Amniga Gudaha ee DFS ayaa soo bandhigtay meydadka saddex ruux oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab kuwaas oo weerar saaka ka geystay magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhaw xarun ciidanka Nabad Suggida lagu tababaro.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa u sheegay Saxaafadda in ciidamada ay fashiliyeen weerarkaan ka dib markii ay ogaadeen in Al-Shabaab weerar ku soo yahay,

Maxamed Yuusuf Cismaan Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha ee DFS ayaa sheegay in ciidamada ay joojiyeen gaari Nuuciisu ahaa NOHA oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ka dib markii uu ka dhaga Adeegay in uu joogsado ay ciidanka toogteen.

Maxamed Yuusuf ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in ay dileen labo ka mid ah, raggii hubaysnaa, ka dib markii ay baabuurka ka dageen oo ay galeen guri ku yaal Meel ku dhaw Iskuulkii hore ee Degmada Shibis.

Dugsiga Degmada Shibis ayaa ah haatan goob lagu tababaro ciidanka nabadsugida ee DFS  .Weerarkan ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegtay kooxda Al-Shabaab waxayna sheegeen in ay dileen askar ka tirsan DFS.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online