Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo casho sharaf soo dhaweyn ah u sameeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse.[Masawiro]

June 10, 2015 - Written by Editor

4Gaalkacyo:-Xaflada aad loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynayey Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa ay xalay ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, Xaflad sharafeedkan ayaa waxaa soo agaasimay Issimada Gobolka Mudug oo uu horseed u ayahay Islaan Bashiir islaan Cabdule oo ka mid ah Issimada laga tixgeliyo Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan deegaanada Puntland.

Xaflada ayaa waxaa furay Islaan Bashiir islaan Cabdule isagoo soo dhaweeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse waxaana uu Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ku xusay in munaasabadu tahay soo dhaweyn isagoo sheegay in madashu ay ku dhan yihiin maamulka iyo kan degmada Gobolka Mudug waxgaradka , aqoonyahanka, iyo Issimada Gobolka Mudug.

Islaan Bashiir islaan Cabdule ayaa xusay in ay sharaf u tahay in ay soo dhaweeyaan Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah Issimada waaweyn ee Puntland oo in mud ah safar ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Dhanka kale Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka hadlay xaflada lagu soo dhaweynayey ayaa waxaa uu mahad balaaran u jeediyey Issimada Gobolka Mudug , Maamulka Gobolka Mudug iyo shacabka Gobolka Mudug isagoo uga mahad celyey sidda diiran ee loogu soo dhaweeyey Gaalkacyo.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa uu joogitaankiisa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku macneeyey mid is xogwaraysi ah gaar ahaan Issimada Gobolka Mudug gaar ahaan Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa xusay in gogol nabadeed ay u qaban doonaa magaalada Qardho iyagoo kulankaas ay ka soo qayb geli doonaa issimada Soomaaliyeed oo dhan waxaan uu sheegay in uu tegi doono Gobollada Puntland uuna kulamo la qaadan doono Issimada Puntland oo dhan.

no images were found

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online