Jaaliyadda Manchester, Uk iyo Masar oo deeq lacag ah u diray gudiga gurmadka culimada

June 15, 2015 - Written by Editor

shfuaadBoosaaso:-Waxaa Alle mahadiisa in qaar mid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee Jaaliyadda magaalad Qaahira ee dalka Masar  ay gurmad u fidiyey iyagoo ajiibaya codsigii culimada  ee ahaa in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan walaalahood Soomaaliyeed ee ka soo cararay dagaalada ka socda dalka Yeman.

Gurmadka ay bixiyeen gabdhaha Jaaliyadda Soomaaliyeed Qaahira ayaa waxay ku soo aadiyeen deeq daas lacageed Sh.Fu’aad Xaaji Nuur Lacagta  ay gabdhuhu soo gaarsiiyeen culimada ayaa gaaraysay ilaa 650$ dollar.

Sidoo kale dhalinyarda ku nool magaalada Manchester ee dalka Ingriiska oo uu  wakiil u ka yahay  Aadan Shiikh Xusan , ayaa waxay soo gaarsiyen culimada deeq lacagteed oo qayb ka ah gargaarka qaxootiga Yemen. Lacagtaas ay ku deeqeen dhalinyarta waxaa ay gaaraysay ilaaa 1,061$ waxayna ku soo aadiyeen Sh. Fu’aad Xaaji Nuur.

Waxaa kale oo culimadu u mahadnaqaysaa shirkada Safa Al-jaziira oo iyana deeq lacageed oo gaaraysa 3000$ soo gaarsiisay culimada. Culimada ayaa  xaqiijinaya in ay soo gaartay lacagtaasi ugana mahad naqaya walaalaha iyo shirkada lacagtaas ay  bixiyey allaahna uga baryaya in uu camal kooda suubiya cimrigoodana barakeeya kheyr badana ugu badalo lacagtaas ay ugu gargaareen walaalahooda tabaalay san ee qaxootiga ah.

Mu’ssadda Al-minhaaj
Boosaaso, Halgan,net

 

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online