Jaaliyadda Soomaalida ee Uk oo mar kale deeq lacageed ku wareejisay culimada iyo gurmad Qaxootiga Yeman.[Masawiro]

June 26, 2015 - Written by Editor

IMG_5238Garoowe:-Qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uk oo uu wakiilka yahay Faarax Maxamed Faarax ayaa deeq lacageed oo dhan $1,300 (kun iyo saddex boqol oo Doolar) soo gaarsiiyey culimada iyo gudiga gurmadka qaxootiga Yemen.

Munaasabad lagu wareejinayey lacagtaan oo ka dhacday xafiiska mu’asasad alminhaaj ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay wakiilka jaaliyada soomaaliyeed ee wadanka Uk Faarax Maxamed Faarax ,ugu horayna wuxuu u mahad celiyey culimada iyo gudiga gurmadka qaxootiga howshay u hayaan bulshada iyo juhdiga aadka u weyn ay galiyeen wax u qabashada dadka tabaalaysan ee ka soo qaxaya dagaalada  socda dalka Yemen.

Faarax Maxamed Faarax ayaa waxaa uu tilmaamay in Jaaliyada soomaaliyeed ee dalka uk ay u taagan tahay mar walb garab istaaga walalahooda soomaaliyeed ee tabaalaysan, horayna uga qayb qaateen haddana ay jaaliyadu ugu deeqayso 1,300 oo dollar (kun iyo sadex boqol oo doolar), ayna noqon doonin tii ugu danbaysay ay ku caawiyaan walaalahooda ee ay deeqo kale u soo wadaan haddii ale idmo.

Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo ka mid ah culimada soomaaliyeed oo goobta ka hadlay ayaa ugu mahad celiyey jaaliyada wadan uk deeq daan lacageed ay soo gaarsiiyeen si loogu gargaaro walaalahooda tabaalaysan ee qaxootiga ah. Wuxuuna ugu duceeyey in uu allaah ka ajarsiiyo kheyr aduun iyo mid aakhiraba ugu badalo.

Gudoomiyada gudiga gurmad qaxootiga Yemen ee Puntland Sh. Axmed Yuusuf Daad oo ugu danbayntii goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay maanta oo khamiis ah ay Jaaliyada soomaaliyeed ee wadanka Uk oo uu wakiil u yahay Faarax Maxamed Faarax ay soo gaarsiiyeen deeq lacageed oo dhan 1,300 oo doollar (kun iyo saddex boqol oo doolar) ,ayna balan qaadayaan in wax ugu qabtaan qaxootiga ka soo qaxaya dalka Yemen.

Gabagabadii ayaa wakiil Jaaliyada soomaaliyeed ee wadanka uk Faarax ku wareejiyey lacagtii culimada iyo gudiga gurmadka qaxootiga Yemen.

no images were found

Mu’ssadda Al-minhaaj
Boosaaso,Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online