Kulana Dhex Maray qaar ka mid ah Salaadiinta S/land iyo ardayda Machadka Sare (Masawiro)

June 19, 2015 - Written by Editor

IMG-20150613-WA0013Hargaysa : kulan qado sharaf ah oo si wayn loo soo agaasimay ayaa maalintii shalay wuxuu ka dhacay Hotel Golis ee magaalada Hargeysa ee Xarunta S/land. kulankan ayaa waxa uu ahaa mid looga gol lahaa is barashada ardayda machadu caali iyo salaadinta waxan martiqaadkiisa lahaa suldaan C/raxmaan c/laahi oo ka mid salaadiinata S/Land.
Dhanka kale waxa kulankan ka soo qayb galay Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar oo ah suldaanka guud ee beesha Habar yoonis iyo Suldaan Yuusuf Maxamed Xiiray .

Kulankan oo aad loo soo agaasimay ayaa dadka ka soo qayb galay waxa ka mid ah ganacsato , ardayda machadaka , macalimiinta machadu caali , iyo culimo iyo ducaad aad u tiro badan .

Ugu horayn waxa kalmad furitaan ah soo jediyey maamulaha machadu caali oo ka war bixiyey machadka iyo qiimaha uu ugu fadhiyo bulshada isga oo mahad naq balaadhan u soo jeediyey sulaadiinta howshan soo agaasimay .
Dhanka kale waxa isna kalmad qiimo leh soo jeediyey Sheikh c/raxmaan axmed oo ah sheekha tafsiir ka dhiga Masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha magaalada hargaysa , waxa uu sheekhu aad u goobaabiyey ardayda isga oo sheegay in uu machadkani yahay mid muhiima ah aan horena loo arag mid isaga la mid ah sidaa darted ardaydana laga rabo in ay la yimaadaan da,daal iyo nashaad cusub.

Qaar ka mid ah ardayda machadka wax ka barata ayaa iyaguna cabiray dareenkooda mahad naq balaadhana u soo jeediyey suldaanka soo agaasimay kulankan iyo guud ahaan bulshada ku dhaqan Hargeysa salaadiin iyo culimaba .

Suldaan c/raxmaan c/laahi oo ah suldaanka lahaa marti qaadka ayaa isaguna dhankiisa sheegay sida uu ugu faraxsanyahay kulanakan isga oo sheegay in uu isaga qudhiisu wax ka barto machadka oo uu si joogto ah u xaadiro xiisadaha qaarkood isaga oo sheegay in uu sii wadi doono inta uu nool yahay in uu arday ka ahaado machadu caali .
Suldaan Yuusuf Maxmed Xiiray ayaa isaguna dhankiisa ku dhiiri galiyey ganacsatada in ay garab istaagaan machadka.

no images were found

Guntii iyo gababadii ayaa waxa soo afmeeray munaasibada suldaan cismaan suldaan cali suldaan madar waxanu balan qaaday in ay machadka garab istaagi doonaan.

Musasat Al-Karam
Hargeysa

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online