Kulankii Baarlamaanka DFS ee codka loogu qaadi lahaa mooshinka Jubbaland oo qabsoomin
June 1, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Kulankii Baarlamaanka ee DFS oo lagu waday in uu maanta codka u qaado mooshinka laga keenay Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa fashilmay ka dib markii uu qabsoomi waayey kooramkii
Xildhibaano ka tirsan DFS ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka maanta uu baaqday ka dib markii uu buuxsami waayey koormakii halka xildhibaano kale oo taageersan mooshinka ka dhanka ah Maamulka J/land ay sheegeen in ay wadayaan mooshinka ka dhanka ah J/land.
Kooramka Xildhibaanada ayaa waxaa la rabaa in uu gaaro 139 Xildhibaan waana markii 4aad oo baaqasho ay ku timaado kulanka Baarlamaanka ee codka loogu qaadi lahaa Mooshin ka dhan ah Maamulka Jubbaland.
A/Cawale
Halgan.net