Madaxweynaha DFS oo kulan sagootin ah la qaatey Philippe Lazzarini oo ka tirsan QM

June 24, 2015 - Written by Editor

1Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan sagootin ah xarunta madaxtooyada kula yeeshay Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Philippe Lazzarini, oo waqtigii uu ka hawlgalayey dalka uu dhammaadey.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Mr Lazzarini hawshii wanaagsaneyd ee uu ka fuliyey Soomaaliya iyo sida uu mar walba beesha caalamka sida saxda ah ugu tebinayey xaaladaha iyo baahida ay qabaan shacabka.

“Aad baan kaaga mahadnaqayaa inaad khibraddaada iyo shaqadaada wanaagsan u hurto Soomaaliya. Wax badan way inoo qabsoomeen, balse waxan haatan beesha caalamka ka dalbaneynaa inay horumariyaan kaabeyaasha dhaqaalaha, kuwaas oo gacan weyn ka geysan kara in dadku isku filnaansho gaaraan, kana maarmaan kaalmada’’.

Mr. Lazzarini, oo sidoo kale ahaa Xiriiriyaha Kaalmada Bani’aadannimo ee Soomaaliya, ayaa isna ka mahadceliyey wadashaqeynta loo muujiyey muddadii uu dalka joogay.

‘’Waxay ii ahayd sharaf weyn inaan Soomaaliya ka hawlgalo, iskaashi wanaagsan ayaana la ii muujiyey. Waxan qirayaa in Soomaaliya ay horumar wanaagsan ku talaabsatey, anigoo raejynayaa in horumarkaasi sii socdo. Waxa kale oo aan beesha caalamka ugu baaqayaa inay Soomaaliya ka haqabtirto baahiyadeeda si mar kale uu dalku cagahiisa isu taago’’.

Kulankaasi ayaa waxaa kale oo looga hadley mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, horumarka dhismaha maamullada gobollada, Hiigsiga 2016 iyo hawlaha kale ee la xiriira dowlad dhisidda iyo nabadda.

no images were found

Gabagabadii kulanka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu haddiyad guddoonsiiyey Mr Lazzarini.

Mr Lazzarini ayaa la filayaa inuu dhowaan ka hawlgalo dalka Lubnaan halkaas oo uu ka noqon doono Xiriiriyaha Kaalmada Aadminimo ee Qaramada Midoobay.

-DHAMMAAD-

Leave a comment

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online