Madaxweyne Gaas oo Garoowe ku soo dhaweeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse

June 10, 2015 - Written by Editor

IMG_8415Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10-6-2015 xafiiskiisa madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe ku soo dhaweeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse oo bilihii u dambeeyey safaro ku marayey dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Wefdi uu hogaamineyey Boqor Burhaan Boqor Muuse kana soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa si diiran waxaa loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe, isagoona ay soo dhaweyntiisa ka qeyb-qaateen waxgarad iyo masuuliyiin kale duwan.

Soo dhaweyn kadib ayaa Boqorka waxaa loo soo gudbiyey aqalka Madaxtooyad dawladda Puntland, waxaana halkaas si wanaagsan ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsanyahay soo laabashada Boqor Burhaan Boqor Muuse ee gudaha Puntland , kuna amaanay guulihii uu ka soo gaaray kulamadii uu la qaatay waxgaradkii iyo bulshadii uu dalka dibadiisa iyo gudhiisa kula kulmay.

Boqor Burhaan ayaa isna dhankiisa Madaxweynaha iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey sidii wanaagsanaa ee ay meelkasta ugu soo dhaweynayeen intii uu ku gudajiray safarkii uu dalka gudhiisa iyo dibadiisa ku mareyey.

Boqorka ayaa booqashooyinkii uu ku marayey dalka dibadiisa ku soo geba-gebeeyey dalka South Africa oo ay kajirto dhibaatooyin lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan , waxaana uu kulamo la qaatay madax dhaqameedka dalkaas isagoona kula dardaarmay inaan la dhibaateyn Soomaalida .

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online