Madaxweyne Gaas oo ka qeyb-galay xafladda xiritaanka wajiga 1aad ee tirakoobka iyo diiwaangelinta shaqaalaha Puntland (Masawiro)

June 6, 2015 - Written by Editor

IMG_7725Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 6-6-2015 ka qeyb-galay xafladda xiritaanka wajiga koowaad ee tirakoobka iyo diiwaangelinta shaqaalaha dawladda Puntland iyo daahfurka wajiga labaad.

Munaasibadaan oo ka dhacday hoolks shiraraka ee PDRC ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Waasiiro, xildhibaano, agaasimayaal katirsan wasaaradaha iyo madaxtooyada Puntland,  waxgarad, haween , dhalinyaro, fanaaniinta waaberi Puntland iyo masuuliyiin kale.

Gudiga farsamada iyo dib-uhabaynta shaqaalaha dawladda Puntland ayaa madasha ku soo bandhigay natiijada rasmiga ah ee ka soo baxday wajiga koowaad ee shaqada loo idmaday , halka iyana kooxda waaberi Puntland hab suugaaneed ugu soo bandhigeen shaqada adag ee gudigaas qabteen.

Hadafka laga leeyahay dib u eegista iyo habaynta maamulka shaqaalaha dawladda Puntland wuxuu ku salaysan yahay in qofkasta oo kamid ah shaqaalaha dawladda uu helo aqoonsi iyo macluumaad la xiriir sida go’aanka shaqaaleynta , dalacsiinta, fasaxyada. anshaxmarinta , ruqsaynta , geerida iyo wixii lamid ah .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in hirgelinta  tirakoobka iyo diiwaangelinta shaqaalaha dawladda Puntland uu qeyb ka ahaa balanqaadyadii uu sameeyey oo fulay, waxaana uu si aad ah ugu mahadceliyey gudigii uu howshaa u xilsaaray oo si wanaagsan ugutay waajibaadkii shaqo ee uu faray.

” Waa muhiim in lahelo tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda lagana warhayo habka ay u shaqeeyaan , hadana waxaa noo soo dhammaaday wajigii koowaad ee ahaa in tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda la helo ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

no images were found

Madaxweyne Gaas ayaa guud ahaan shacabka reer Puntland ugu bishaareeyey in dhawaan la soo dhisi doono hay’adda tababarka shaqaalaha oo la rajeynayo in shaqaalaha Puntland aysan meel kale u aadin tababar, aqoontoodana kor loogu qaadayo dalka gudihiisa.

Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa si hamsami leh u fulaya balanqaadyadii uu sameeyey Madaxweynuhu xiligii doorashada, waana arrin aad u wanaagsan oo niyad sami gelinaysa shacabka reer Puntland oo kalsooni buuxda ku qaba dawladooda.

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online