Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka qeyb-galay Daahfurka Machadka Daraasaadka iyo Sahanka ee Hayaan.[Masawiro]

June 8, 2015 - Written by Editor

22Garoowe:-Madaxweyne kux xigeenka Dawladda Puntland Eng. C/xakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 08-06-2015 ka qeyb-galay munaasibadda Daahfurka Machadka Daraasaadka iyo Sahanka ee Hayaan.

Xafladaan oo ka dhacday hoolka shirarka ee jaamacadda PSU ee Garoowe ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro, aqoonyahan , dhalinyaro, haween , arday jaamaceed iyo masuuliyiin kale oo u soo diyaar garoobay ka qeyb-galka Daahfurka Macadka Daraasaadka iyo Sahanka ee Hayaan.

Macadkaan ayaa ah macad cilmibaaris islamarkaana falanqeynaya dhinacyo badan oo dhaqaaluhu qeyb-kayahay si loo ogaado caqabadaha iyo baahiyaha loo qabo in la helo dhaqaale miisaaman oo fadhiya.
Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa asaasayaasha Hayaan uga mahadceliyey dhismaha iyo abuuridda macadkaan , isagoona kula dar daar may inay laba jibaaraan howsha adag ee ay bulshada u hayaan.

‘’ Hadii aan la helin cilmi-baaris ku salaysan deegaanka maba dhacdo in la helo horumar , Hayaan waxaan ku dhiirigelin qoraalada aad samaynaysaan ha noqdeen af-soomaali , luuqadaha kalana ku qora ‘’ Ayuu yiri Eng.Camey.

‘’ Yeynaan isku dayin in dimuqraadiyada reer Galbeedka dalkeena u soo rarno , laakiin aan la nimaano fakar ku salaysan diinteena islaamka , dhaqankeena iyo weliba siyaasadeena ‘’ Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiin Camey.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ugu dambeyn madaxda Macadka Daraasaadka iyo Sahanka ugu baaqay in umadda soomaaliyeed wax faa’iido iyo dan ugu jirta u keenaan islamarkaana cilmi-baaris ku sameeyaan .

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online