Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Oo Kulan La qaatay Agaasimayaasha Wasaaradah (Masawiro)

June 10, 2015 - Written by Editor

IMG_8395Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10-6-2015 aqalka madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe kullan kula qaatay agaasimayaasha Wasaaradaha Puntland ee xiriirka la leh Barnaamijka horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG.

Kullanka oo muddo kooban socday ayaa Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Camey waxaa uu warbixino la xiriira waxqabadka sanadkii tagey ee mashruucaa ka dhageystay agaasimayaasha Wasaaradaha ee ka qeyb-galay shirka.

Qorshe howleedka saddexda bilood ee soo socda ayaa sidookale lagu falanqeeyey shirka, iyadoona laysku raacay in waxbadan oo horumar ah laga gaaray ka faa’iideysiga Barnaamijka horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG.

Gebagebadii kullanka ayaa gudi loo saaray nidaamka qandaraas bixinta dawladda dhexe iyo dawladda hoose, si nidaam wanaagsan oo ay dadku u jeedaan lagu bixiyo canshuuraha si simana looga hirgeliyo dalka hay’aduhuna dardar-geliyaan shaqadooda.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online