Markab sidday 2105 oo qof oo qaxooti ka soo cararay Yeman oo soo gaaray Boosaaso.[Masawiro]

June 13, 2015 - Written by Editor

IMG_8810

Boosaaso:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari qaxooti ka yimid dalka Yeman oo gaaraya 2105, Qaxootigaan oo u badan Soomaali ayaa waxaa dekkadda Mukalla ka soo qaaday dooni uu ganacsade Soomaaliyeed ugu deeqay dadka soomaaliyeed ee ku sugan weli dalka Yeman.

Markabkaan oo lagu magacaabo Nawaal III ayaa waxaa dadka uu siday waxaa ay iskugu jiraan haween, caruur iyo dad waayeel ah waxaan dumar ahaa 660, raggu waaa 466 halka caruurtu ay gaaraysay ilaa 979.

Markabka ayaa markii uu ku soo xirtay dekadda weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaa aad u soo dhaweeyey maamulka Gobolka Bari iyo gudiga gurmada qaxootiga Yeman ee Boosaaso iyo dadweynaha reer Boosaaso oo aan arrinkaas u kala harin iyagoo dadka walaalahood la soo gaaray Cunto, Cabitaan halka maamulka Gobolka Bari uu dadkii aadka u darnaa ama xanuunsanaa lagu qaaday Ambalayso lana geeyey Isbitaalada ku yaal Boosaaso si ay u hellaan daryeel caafimaad.

Guddoomiyaha gobolka Bari dowladda Puntland, Yusuf Maxamed Wacays oo la hadlay idaacadda VOA waxaa uu u sheegay in tirada qaxootiga soo gaaray ilaa hadda Puntland kana soo cararay dagaalada ka socda dalka Yemen ay gaarayaan 16 kun oo qof oo u badan Soomaali.[nggallery id=801

Warbixin wixii ka soo korrdha ee ku saabsan Qaxootiga soo gaaray Boosaaso dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
June 2015
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online